Calendar

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Hogaamiyeyaasha wadamada Jaamacadda Carabta

CNEWS-US-IRAQ-SUMMIT-VIOLENCE

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Hogaamiyeyaasha wadamada Jaamacadda Carabta uga furmay Magaalada Baqdad ee Dalka Ciraaq ayaa wuxuu sheegay in Waqtigani la joogo xilligii ugu wanaagsanaa ee Soomaaliya ay nabad heli lahayd islamarkaana la soo celin lahaa Xasiloonida, dib u dhiska iyo kala dambeynta.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya wuxuu sidoo kale sheegay in Dowladda KMG Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay dhulkii Shabaab ay ku sugnaayeen loona baahan yahay Shacabka ku nool Deeganadaasi in la la gaaro gargaar Bini’aadinmo

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Tilmaamay in loo baahan yahay sidii Dowladda KMG Soomaaliya ay tilmaamay in waqtigan la joogo xilliga ugu haboon ee loosoo celin karo Nabadda iyo ammaanka Soomaaliya….. Cod

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu baaq u diray wadamadii Jamacadda Carabta ee ka qeyb galay shirkii ka dhacay Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaaq wuxuuna sheeg in loo baahan yahay in lagarab istaago Shacabka Soomaaliyeed lagana Samata bixiyo dhibaatada ka taagan Soomaaliya,

Hadalkan ayuu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka jeediyay Maalintii shalay shirka wadamada Jaamacadda Carabta oo uu markii ugu horaysay ka qeyb galay kaasi oo ka dhacay Magaalada Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq.

Comments

comments

Category : Bartamaha Forum, Latest Somali News.
« »

Comment: