read more »">
Calendar

Dowladda oo kahadashay kusfi lagu eedeeye ciidamada AMISOM

amDowladda fidraalka soomaaliya ayaa ka hadashay kufsi lagu eedeeye in ay qeyb-ka ahaayeen ciidamada AMISON xilli tobodobaadyo kahor kufsi loogu geystay haweeney soomaaliyeed xirada Maslax ee Magaalada muqdihsho halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda isa uu sheegayo warkasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha dalka. Ra’isul wasaare saacid oo kulan laqaatay xubno sar-sare oo katirsan wasiiradiisa ayaa yiri:”Dowlada Soomaaliya uma dulqaadan doonto dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquuqda haweenka, qaasatan kufsiga loo geysto dadka u nugul ee bulshada waxaana dadkaasi la marsiinayaa sharciga” Saacid ayaa intaasi ku daray in ay baaritaano lagu sameyn doono arinkaan islamarkaana cidii ay ku cadaado la horkeeni doonno maxkamada si looga qaado talaabo waafaqsan saharciga. Ugu danbeyntii ra’isul wasaaraha ayaa magacaabay koox ay ku jiraan golahiisa wasiirada oo ay hogaaminayso wasiirka adeega bulshada Maryan Qaasim si ay Ra’isul wasaaraha kaga siiyaan warbixin baaritaanka kadib.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: