Calendar

Cali Maxamed Geedi maku filnaan waayay xasuuqii Xamar?

ali-mohamed-gediMa doonayo inaan qof Soomaaliyeed wax ka sheego amaba aan ceebeeyo, waxaase labaatankii sano ee lasoo dhaafay inagu fogeeyay waranka siyaasiyiin iska indha tirayay taariikhdooda mugdiga ah, oo marwalbaba intay dambiyo galaan u xuub dhacsanayay hogaamiye qaran.

Waxaanse manta rabaa inaan si furan uga wadahadalno, Maxay tahay taariikhda siyaasadeed ee Cali Maxamed Geedi lagu xasuusto? Maxayse tahay sababta keentay inuu xilligan oo Soomaaliya ay kasoo gudubtay wakhtiyadii hogaamiyayaasha dagaalka uu Geedi Markale kasoo muuqdo masraxa siyaasada?

Iyadoo ay dhagaheena wali kasii guuxayso Xilligii ay xukuumada uu horboodayay Cali Maxamed Geedi ay dalka maamulaysay oo ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka gaysteen xasuuqii ugu ba’anaa ee soo maray taariikhda ummada Soomaaliyeed, Muqdishana ay ka barakaceen dad kor u dhaafaya 1.5 oo  milyan, qiyaas ahaana lagu dilay waddanka in ka badan 50 kun oo Soomaali ah ayaa Cali Geedi uu wali rajo ka qabaa ina masraxa siyaasada markale soo fuulo.

Waa yaabe ma isagaa waalan mise shacabka?  Cali ma wuxuu dan mooday inuu mindidauu ku ligligo hooyooyinka Soomaaliyeed ee uu shalay asayda u saaray ubadkoodiina laayay? Mase wuxuu illoobay gabdhihii Soomaaliyeed ee askarta Itoobiyaanka ahi ay kufsiga ugu gaysteen jireen magaalada Muqdisho xilligii ay xukuumadiisu talinaysay, Mise wuxuu illowsanyahay inuu yahay ninkii rumeeyay riyada ay Itoobiya lahayd ee ahayd in mar un ay Muqdisho calankoodu ka babado,Ma waxay ula ekaatay Geedi in Soomaaliya uu markale xil ka qaban karo? Haduuba sidaas ku hamiyay waxaa muuqata in Soomaaliya ay wali tahay bahalo galeen ay cid waliba hawaysanayso hankeeda siyaasadeed, La ismana lahayn Geedi iyo inta dambiyada lamidka ah ummada ka gashay ayaa hunguriyayn doonta ama u hanqaltaagi doonta inay soo horistaagaan ummada Soomaaliyeed oo ay ka hadlaan danaha dadka iyo dalka Soomaaliyaba.

Cali Maxamed Geedi oo taariikhdiisa madow aan lagu soo koobi Karin su’aalo la is waydiiyo amaba hal qormo ah, oo ay ka wada dharagsantahay ummada Soomaaliyeed inuu yahay hogaamiye ay kala wayntahay darajo siyaasadeed dhammaanba qiyamka akhlaaqigaa ee insaanka ayaa haatan waxaa uu hormuud u yahay koox loo bixiyay badbaada qaranka oo ujeedkoodu yahay inay afgambi ku sameeyaan dawlada haatan jirta si Soomaaliya ay markale ugu noqoto taariikhdii mugdiga ahayd ee ay soo martay amaba ay u shabbahdo waddanka Masar oo dhiig badani uu ku daadanayo xilligan.

Waxaana uu hormuud ka yahay mashruuc cusub oo qaar kamid ah wadamada darisku ay ku doonayaan inay Soomaaliya isbaaro ugu dhigtaan oo ay dhaqaaqi waydo.

Waxaase is waydiin mudan xukuumada Soomaaliyeed ee haatan jirta dhaliil walbaba ha la lahaatee ma tahay mid uu naqdin karo Cali Maxamed Geedi oo la wada ogyahay in xukuumadiisii ay dhisitaan iska daayee in badan oo xaafadaha magaalada Muqdisho kamid ah ay fasax u siisay taangiyaashii Itoobiyaanka iyo gawaaridooda xambaara lidka diyaaradaha inay dhulka la simaan, taasoo raadadkii ay reebtay wali ay ka muuqato caasimada Soomaaliya wakhtiga la joogo.

Haboonaan lahaydaa inaad taariikhdaada ogtahay? Hagaagsanaan lahaydaa inuu qofku xishoodo, Xishoodku waa door xilkasnimaduna waa hal dheeri,  Nin walba oo dhiiga ummada Soomaaliyeed daadiyaaba waxaa sare u kaca hammiga uu ka qabo inuu hogaan dalka ka noqdo.

Inbadan oo idin kamid ah ayaa ii qaadan karta inaan ahay taageerayaasha dawlada haatan jirta, balse waxaan ahayn muwaadin Soomaaliyeed oo ka daalay hagardaamooyinka ay wali nagu hayaan siyaasiyiinta uu Cali Maxamed Geedi kamid yahay kuwaasoo halku dhigoodu noqday  “Dhiiga daadi aad hogaanka dhaxashide” ama afka ciida u dar iftiinkii yare ee bidhaamaba, miyaaney ogayn in dalkaani uu yahay dhaxalkii ubadkooda, miyaysan lahayn damiirka aadamaha oo qof walba uu garan karo in muwaadinka caadiga ah masuuliyada dalka ka saran inay mid ka badani saarantahay qofka siyaasiga ah oo laga yaabo khalad yar oo uu sameeyo inuu salfado gabi ahaanba masiirkii ummada.

Jawaabaha, su’aalaha aan kor ku soo xusay waxaan u daynayaa inta damiirka iyo dadnimadii Soomaali lagu yaqaanay ay wali wax uga dambeeyaan oo ay tahay inay kasoo jawaabaan.

C/kariim Xaaji Maxamuud

Arday dhigta Jaamacada Nairobi University

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: