read more »">
Calendar

Puntland oo si caro leh ugu jawaabtay go’aankii MSF ay ku joojisay shaqooyinkii ay ka waday Soomaaliya

WasiirkaWasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame ayaa si caro-leh uga jawaabay go’aankii ay hay’ada MSF ku joojisay shaqooyinkii ay ka waday guud ahaanba Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in falalka wuxuushnimada ah ee ka dhacaya koonfurta Soomaaliya inay khasaaro u soo jiideen dhammaanba Soomaalida.

“Puntland waa deegaan nabad ah oo shaqaalaha hay’aduhu xataa istaaf la’aan bay socdaan, ammaan xumada koonfurta ka jirta ayaa sababtay in hay’ada MSF ay baxdo” ayuu yiri Wasiirku.

Waxaa uu ka dhawaajiyay inaysan jirin wax wada shaqayn ah oo u dhaxeysa Dawlada Federaalka ah iyo Puntland isagoo sidoo kalana ku tilmaamay dadka koonfurta inay dhaceen hantidii dalka hadana ka faa’iidaystaan dhammaanba mashaariicdii dalku uu lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay in MSF ay ku degdegtay go’aanka ay kaga baxday Puntland, wuxuuna tilmaamay in Puntland tahay meel nabad ah oo aysan ka dhicin waxyaabah ka dhacaya koonfurta dalka.

“Arrinkani dhabar jab ayuu ku noqonayaa wasaarada caafimaadka ee dawlada Puntland” ayuu yiri Dr Cali C/laahi Warsame.

Hadalka wasiirka caafimaadka Puntland oo ay caro ka muuqatay ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayni isaga baxday Soomaaliya oo ay sheegtay inay shaqadeeda ka wadan wayday tacadiyo iyo weeraro loo gaysanayo shaqaalaheeda ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: