Calendar

Faah-faahin la xiriirta howlgal Booliiska Kenya ay Xalay ka sameeyeen Xaafada Islii Nairobi.

faahfaahinBartamaha(Nairobi):-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgalo xalay ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Dalka Kenya iyadoo dadka xabsiga la dhigay ay Xildhibaano ku jiraan.

Howlgalkii xalay ka dhacay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa xabsiga lagu dhigay saraakiil caan ah iyo Xildhibaano ka mida Dowlada KMG ah.

Laanta Ammaanka  ee loo yaqaan General Service Unit (GSU) ayaa masuul ka ahayd howlgalkii xalay lagu raafay dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ay ku jireen Xildhibaano Dowlada KMG ah ka mid ah.

Xildhibaanada ayaa waxaa loogu galay Hotelka Barakaad oo ay ka daganaayeen Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo la dhigay Xabsiga Xaafadaasi ku yaala iyadoo aan wax waraysi ah lala yeelan.

Dadka la qabtay qaarkood ayaa waxa ay wataan sharciyada Dalka Kenya taasi oo aan la ogayn ujeedada loo soo qabtay iyadoo dhalinyaro badan ay sidoo kale u xiranyiin Ciidamada xalay howlgalka ku dhaqaaqay.

Howlgalka xalay dhacay ayaa waxa uu imaanayaa xilli Magaalada Nairobi maalintii jimcaha uu ka dhacay dibad bax rabshad watay kaasi oo qasaara badan dhaliyay iyadoo saraakiisha ammaanka ay si cara leh uga hadleen banaanbaxaasi.

Shalay ayaa kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya waxa ay sheegeen in ujeedada hadalka Kenya uu yahay mid daan-daansi ah islamarkaana lagu maaganyahay in hantida ganacsatada soomaaliyeed lagu dhaco.

Lama oga waxa ay ka yeelayaan xariga xildhibaanada iyo sarakiisha ay xirteen booliiska dalkaasi iyadoo ay inta badan lahaayeen sharciga dalka Kenya wallow aan la ogaan karin  sababta xarigooda.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, KENYA, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: