Calendar

Falanqeyn: Heshiiskii Dowladda Soomaaliya & Puntland, Oktoobareey Adaa Lahaa (Wargelin Show Oct. 22-29, 2014)

WARGELIN #18 WEB READYBarnaamijka Wargelin Show iyo Cabdisalam Caato Todobaadkan waxaa ku saabsan yahay Heshiiskii Dowladda Soomaaliya & Puntland ay bishan Oktoobar ku saxiixdeen magaalada Garoowe iyo sida shacabku uu u arkay, waxaa kaloo jiray heshiis kaas la mid ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay maamul goboleedka Galmudug bishii Luulyo kaas oo isaguna ka dhacay Villa Soomaaliya.

Haddaba Heshiiskan Garoowe ee dowladdu ay la gashay maamulka Puntland ayaa waxaa qaadacay oo kazoo hor jeestay maamulka Galmudug haddaba labadan heshiis oo midba uu kan kale awooda maamulka uu siinayo magaalada Gaalkacyo iyo degmooyin ay Puntland hadda maamusho ma mid dastuuri ah baa mise waa si kale? Khubaro siyaasadda Soomaaliya ku xeel dheer ayaa falanqeynaya arrintan, waxaan kaloo arrintan wax ka weydiinay ra’yigooda qaar ka mid ah bulsho weynta.

Barnaamijka waxaa kaloo lagu soo qaatay Xuska 21ka Oktoobar iyo arrimo kale.

Barnaamijka Wargelin Show, waa Barnaamij Todobaadle ah oo aad u xiisa badan, kaasi oo mar walba looga hadlo waxyaabaha muhiimka ee Soomaalida quseeya.
Halkan ka daawo Barnaamijyadii hore iyo Muuqaalo Kooban.

Bookings & Business Inquiries: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/wargelinshow
Twitter: https://twitter.com/AbdisalamAato
Instagram: https://instagram.com/AbdisalamAato
LinkedIn: www.linkedin.com/in/abdisalamaato
Vlog Channel: http://www.youtube.com/bartamaha
Official Wargelin Show Website:

http://www.WargelinShow.com/

Wargelin Show is Produced by
Somali Multimedia Organization (SMO)

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, VIDEOS, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: