read more »">
Calendar

Fawziya oo sheegtay inaan ogolaansho looga baahnayn Soomaaliya marka la weerarayo Alshabaab

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Adam ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan tallaabadii Ciidamada Kumandoska Maretkanka ku weerareen guri ku yaal degmada Baraawe, halkaasoo uu degenaa Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab.

Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in aanay marnaba u baahneyn in ogolaansho laga weydiisto weerarada ay fulinayaan Ciidamada Mareykanka, maadaama ay sheegtay inay leeyihiin Cadaw guud.

Wareysi ay siisay Telefishinka CNN ee laga leeyahay Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay leeyihiin hal cadaw oo Argagixiso ah, waxaana ay xustay in iska kaashanayaan la dagaalankooda.

“Waxaan la dagaalameynaa hal cadaw oo argagixiso ah, mana dooneyno in wax amar ah nagala qaato weerarada lagu ugaarsanayo Argagixisada”ayay tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Ciidamo Kumandoska Mareykanka ayaa 5-tii October weeraray guri ku yaal xeebta Baraawe, waxaana bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa Sarkaal lagu magacaabo Abdikadir Maxamed Abdikadir oo loo yaqaano Ikrima.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: