Calendar

Fanaanka caanka Xusseen shire oo ka tirsan kooxda Qaylo dhaan ayaa xalay bandhig faneed ku qabtay Muqdisho

Bandhig faneed ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil iyo dadweyne ayaa xalay Kooxda Qeylo Dhaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Palace, iyadoo bandhigan uu heeso uu ka qaaday Fanaanka Xuseen Shire Jaamac oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Halku dhiga Bandhig faneedkan ayaa ahaa Qeylo dhaan iyo habeenkii Muqdisho, waxaana hadalo ka jeediyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo bogaadinayay dib u soo nooleynta fanka.

Fanaanka Xuseen Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa heeso wadaniyad leh ku luuqeynayay, waxaana heesaha uu qaaday ka mid ahaa hees loogu magac daray dilkii Majaajiliistihii caanka ahaa Marshaale oo sanadkii 2012 lagu dilay Muqdisho.

Abwaan Cabdi Shire Jaamac oo ah Gudoomiyaha Kooxda Qeyla Dhaan ayaa sheegay in mar dhow ay Muqdisho keeni doonaan dhamaan fanaaniinta Kooxda oo dhan, isla markaana aanay hal ka maqneyn, si bandhig faneed ballaaran ugu qabtaan Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in bandhigan uu muujinayo in nabadii ay ku soo laabatay Muqdisho, isagoo ku baaqay in bulshada ay u midowdo sidii ay isaga dhicin laheyd waxa uu ugu yeeray cadaw.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna ka hadlay bandhiga ayaa sheegay in tani tahay tallaabo horumar leh, isla markaana muujinaya iftiinka ka muuqda caasimada, inay hormuud u yihiin Fanaaniinta.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada warfaafinta C/shakuur Cali Mire ayaa soo dhoweeyay bandhig faneedyada ay fanaaniinta Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya ku qabanayaan Muqdisho, taasoo uu tilmaamay inay muujineyso astaan nabadeed, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan amniga.

Bandhig faneedkan ay qabteen kooxda Qeyla Dhaan ayaa ka mid noqonaya bandhig faneedyo ay fanaaniinta dalka dib ugu soo laabanaya mudooyinkii u dambeeyay ku qabanayeen Caasimada Muqdisho.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: