read more »">
Calendar

Sirdoonka Dalka Kenya ayaa su’aalo waydiiyay madaxda qaar kamid ah hay’adaha isgaarsiinta taasoo la xiriirta weerarkii Westgate

Booliska Kenya ayaa su’aalo weydiiyay madaxda afarta shirkadood Isgaarsiinta Kenya ugu caansan, kadib markii la sheegay in dableydii weerartay Westgate ay isticmaalayeen Taleefano aan la diiwaan gelin.

Madaxda shirkadaha isgaarsiinta ayaa iska fogeeyay warbixinta Booliska, iyagoo shir jaraa’id ay wada jir u qabteen maanta ku cadeeyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Booliska oo wali wada baaritaanada la xiriira weerarkii Westgate ee labo todobaad ka hor lagu qaaday.

Warbixino Booliska soo bandhigay ayaa lagu sheegay inay jiraan Sim Card lagu iibiyo dariiqyada, kuwaasoo aan la diiwaan gelin, iyadoo la rumeysan yahay in dableydii weerartay Xarunta Ganacsiga Westgate ay isticmaalayeen Taleefano Mobile ah.

Ilaa 29-milyan oo Sim Card ayaa la diiwaan geliyay, halka 1.6 aan la diiwaan gelin sida uu sheegay Madaxa isgaarsiinta kenya.

67 ruux ayaa ku dhimatay weerarkii 21-kii bishii September ay ku qaadeen dabley hubeysan oo ka tirsan Shabaab xarunta Ganacsiga Westgate, iyadoo weerarkan uu su’aalo dhaliyay oo ku saabsan ammaanka Kenya iyo daciiftinimada laamaha ammaanka dalkaas.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: