read more »">
Calendar

FSAN oo qabatay shir ay kusoo xireysay barnaamij ku saabsan Gudniinka oo ay laba sano waday.

fsan 1
Shirkan oo ahaa mid lagu soo afmeerayey barnaamijka ka hortaga gudniinka oo ay waday Hay’adda FSAN ayaa waxaa kasoo qeybgalay ururo iyo hay’addo ka qeybgalay barnaamijkaasi intii uu socday iyo xeeldheerayaal mudo kusoo dhex jiray ololaha  gudniinka lagu joojinayo. Waxaana uu shirkan ka dhacay Magaalada Denhaag ee wadanka Holland.
Dr, Maxamed Abuukar oo ka mid ah golaha sare ee maamulka FSAN ayaa shirkaasi furay,waxaana uu ka warbixinyey ugu horeyn howlaha FSAN iyo dadaala ay ugu jirto arrimaha Soomaalida. Waxaana sidoo kale uu sheegay in gudniinka gabadha ay hay’adda ka ciyaartay door weyn oo lagu ciribtiri karo. Shirka maanta ayuuna ka sheegay in barnaamijkan ay isla soo wadeen mudo ururka VON ee ka shaqeeya arrimaha qaxootiga Holland.
fsan4
Marwo, Sahro Naaleeye oo ah Madaxda barnaamijka gudniinka ee dallada FSAN islamarkaana si gaar ah u aheyd qofkii maamulayey barnaamijka gudniinka ee labadda sano ee socday ayaa halkaasi ka jeedisay khudbad dheer oo ay uga warbixineysay mar-xaladihii uusoo maray iyo sida ay ugu qabsoomeyn wixii ay ka lahaayeen barnaamijkan.
Sahro Naaleeye oo halkaasi ku soo bandhigtay warbixin isugu jirta qoraal iyo sawiro ayaa sheegtay in waxbadan oo farxad geliya ay uga soo baxayaan howlihii ka dhanka ahaa gudniinka gabadha oo ay mudada soo wadeen. Iyaddoo intaasi ku dartay inay warbaahinta u isticmaaleen wacyigelinta howlaha gudniinka,kadib markii ay umuuqatay saameynta ay bulshada ku leedahay warbaahinta. Barnaamijkan Gudniinka ee socday labada sano ma aheyn mid ku eg soomaalida oo kaliya ee waxaa jiray qowmiyado kale oo sidan oo kale iyagana looga digayey dhibka gudniinka uu leeyahay.
sahro naleeye
Dallada FSAN oo caan ku ah dagaalka ka dhanka ah GUDNIIN-ka ayaa shirkooda maanta kusoo bandhigay talooyin iyo qaabab looga gudbi karo dhibka gudniinka uu u leeyahay haweenka soomaaliyeed,waxaana ay dadkii halkaasi joogay ku qanciyeen inaysan kusoo dhegenaan caadooyinka aan diin ahaan iyo caafimaad ahaan midna u wanaagsaneyn, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Farxiya Muumin oo ka mid ah haweenka sida weyn uga dhexmuuqda soomaalida u dhaqdhaqaaqda arrimaha soomaalida Holland oo imid ahey dadkii halkaasi lagu casumay inay codkooda ku biiriyaan ayaa ku dheeraatay ka hadlida howlaha Dowlada hoose ee magaalada Denhaag qabtaan, Waxaana ay si gaar ah carabka ugu xajisay sida ay wax uga qabtaan gudniinka gabadha ka magaalo ahaan.
farxiya
Waxaa sidoo kale halkaasi warbaahinta kula hadashay Ruqiyo Cadow oo ka mid ah Haweenka ku jira golaha sare ee dallada FSAN waxayna ay sheegtay in shirka maanta dhacay uu yahay mid guul u ah soomaaliweyn oo dhan,taasi oo ay u sheegtay in dhamaan ururada african-ka ee dalkan jooga ee ka shaqeeya arrimaha gudniinka ay yihiin kuwa hoos yimaada Dallada soomaalida ee FSAN.
Dhinaca kale Soomaali oo kaliya ma aheyn madaxdii halkaasi ka hadashay ee waxaa ku jiray mas’uuliyiin ka socday ururo african ah iyo aqoonyahano u dhashay dalkan Holland,kuwaasi oo si wada jir ah codkooda ugu biiriyey inay  ka digayaan gudniinka. Halka ay amaaan u jeediyeen Dallada FSAN sida ay isaga xil saartay qabsoomida howsha gudniinka lagu ciribtirayo.
ruqiyo fsan
fsan
Dadka somaliyeed ayaa waxay ka mid yihiin dadka sida weyn u isticmaala gudniinka gabdhaha noocyadisa kala duwan,waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin 97% dadka isticmaala. Laakiin hay’addo ay ku jirto FSAN ayaa u taagan xoojinta dhibka uu gudninka u leeyahay gabdhaha.
Shirkan astaan uma ahan inay gebi ahaan dallada FSAN joojineyso barnaamijkii gudniinka ee waxa uu ahaa barnaamij ay isla wadeen ururka ka shaqeeya arrimaha qaxootiga Holland oo isaga ku jaan go’naa laba sano oo kaliya,Waxaana sida ay iisheegeen maamulka FSAN ee arrimahan qaabilsan ay sii wadi doonaan dagaalkooda ka dhanka ah gudniinka.
fsan3
fsan 2
Cali Dahir Ciid
Denhaag,Holland

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: