Calendar

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo soo dhaweeyay heshiiskii dhexmaray dawlada federaalka ah iyo maamulka Jubbaland

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray heshiis ay dhowaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ku kala saxiixdeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba.

Kulan uu shalay yeeshay Golaha Ammaanka ayaa warbixin kooban wuxuu uga dhageystay danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif.

Golaha ayaa ku taliyay in fiiro gaar ah loo yeesho ahmiyadda uu leeyahay inay dhinacyada hirgeliyaan heshiiska, ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato u gaysan kara xasilloonida, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.  Bayaan uu kulankiisii kaddib soo saaray Golaha Ammaanka ayuu sidoo kale ku adkeeyay maamulladda in ay xaqiijiyaan inaan lagu xadgudbin cunnaqabteyntii dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa mar kale ku celiyay inuu xushmeynayo madax-bannaanida siyaasadeed iyo dhuleed, midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.  Dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa 28-kii August ee sanadkan waxay Addis Ababa ku kala saxiixdeen heshiis soo afjaray is-faham-waa u dhaxeeyay, kaas oo maamul kumeel-gaar ah oo labo sano jiraya la iskula gartay inuu madaxweyne ka noqdo Axmed Madoobe.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: