Calendar

Madaxweynaha Jubbaland oo ka qaybgalaya Shirka New deal ee midowga Yurub ay Soomaaliya u qabanayaan

Labo maalmood kadib markii uu ka badbaaday isku day dil oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Alshabaab ayaa madaxweynaha Jubbaland oo u ambabaxay magaalada Brussels si uga qaybgalo shirka New deal ee midowga Yurub ay Soomaaliya u qabanayaan.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Brussels oo ah xarunta midowga Yurub iyo caasimada dalka Belgium.

Waxaa kaloo shirkan la filayaa inay ka qaybgalaan maamullada Somaliland, Puntland iyo sidoo kale Dawlada hogaamiyayaasha dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Waxaana shirkan la filayaa in malaayiin lacagta Euro ah loogo yabooho dawlada Soomaaliya si dalka dib u dhiskiisa loo dardar galiyo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: