read more »">
Calendar

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo isku raacay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

saacid4Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, howl galada Ciidamada xooga dalka ka wadaan gobolada dalka iyo howl galkii Baraawe ay ka fuliyeen Ciidamo Mareykan ah.

Kulankan oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu horen looga hadlay howlgalkii degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ay ka fuliyeen ciidamo Mareykan ah oo weeraray guri uu degenaa Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa golaha u sharaxay howlgalkaasi iyo aragtida rasmiga ah ee dawladda,waxa uuna hoosta ka xariiqay in dalalka caalamka ay la kaashanayaan la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dalka.

“Dawladda Soomaaliya waxay la kaashanaysaa dawladaha caalamka sidii loola dagaalami lahaa, loona ciribtiri lahaa kooxaha argagixsada ah ee khatarta ku haya amaanka Soomaaliya, Afrika iyo Caalamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay howlgalkaasi.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xaaladda amniga ee dalka iyo howlgaladii ugu dambeeyey ee ciidanka xooggu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolada, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga uu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey ay ciidanku kaga sifeeyeen kooxaha nabadiidka ah degaan lagu magacaabo Qansax-oomane, kaasoo ay gaadiidka adeegsada wadadaasi ay ku dhibaateyn jireen shacabka, lacago baad ahna uga qaadi jireen, waxaana uu xusay in ciidanku ay la wareegeen goobtaasi.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi kaasoo ka warbixiyay natiijada kulankii 38-aad ee hay’adda duulista hawada ee hoostagta Q/midoobay (ICAO), waxaana wasiirka uu la soo galay heshiis taariikhi ah kaasoo dhigaya in Soomaaliya ay sanadka 2014 si rasmi ah ula wareegto maamulka hawadeeda, isla markaana Soomaaliya loo tababaro shaqaale xirfad caalami leh.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa u sheegay golaha Wasiirada in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulka iyo socodsiinta howlaha garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde shirkadda Vavori LLC, taasoo kala wareegtay shirkadda SKA oo horay u maamuli jirtay, wuxuuna xusay in si mas’uuliyad iyo maamul wanaag ku jiro ku dhacday kala wareejinta.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: