Calendar

Dhalinyaro ka qalinjabisay tartan dhinaca Musiga ah

Hay’adaha CRD iyo DAN GUUD ayaa u soo gabgabeeyay maanta dhallinyaro Soomaaliyeed tababar muusig, kaasoo noqonaya tababarkii ugu horreeyay muddo 30-sano ah la siiyo dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana dhallinyarada tababarkan ku guuleysatay ay isugu jireen wiilal iyo gabdho.

Xafladda xiritaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adahan, madaxda tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, afhayeenka guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda qaar ka mid ah kooxaha fanka Soomaaliyeed sida kooxaha Waaberi iyo Horseed.

Dhallinyarada tababarkan dhammeystay ayaa waxay kulanka kusoo bandhigeen habka loo garaaco muusiga oo ay ku barteen qaab qoraal ahaan ah, iyadoo habka qoraalka muusiga uu ahaa mid aad u adag marka la eego luuqadda uu ku qoran yahay.

“Hay’aadda CRD iyo maamulka gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa ayaan uga mahadcelinayaa dhallinyaradan muusiga la baray, waayo waxay kusoo aadeen xilli aad u wanaagsan oo ay dadkii muusiga yaqaannay qaarkood intii lagu jiray burburka ay dhinteen halka kuwii kalena ay gaboobeen,” ayuu yiri maareeyaha tiyaatarka Muqdisho C/dhuux Yuusuf oo kulanka hadal dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay.

Maareeyaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dhallinyarada da’yar ee bartay muusiga, isagoo sheegay in howshan ay ahayd mid laga doonayay inay dowladdu qabato, balse ay soo baxeen hay’ado isku xil-qaamay inay dib u soo nooleeyaan fanka Soomaaliyeed oo waayadii
burburka ay tabar la’aan ku dhacday.

“Fanka waa isku xiraha bulshada iyo dowladda, sidaa awgeed waxaan kula dardaarmayaa madaxda dowladdu inay xil iska saarto kobcintiisa,” ayuu ku daray hadalkiisa abwaan C/dhuux oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dhallinta fanka baratay.

Mar uu dhallinyarada la dardamarmay inay sii wadaan barashada muusiga, wuxuuna hay’adda CRD weydiistay inay qalab ay tababar ku qaataan u soo iibiso sidii ay ugu iibisay qalab kooxaha fanka Soomaaliyeed qaarkood.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo isagun hadal kooban ka jeediya xafladda xirtaanka tababarkan oo soo socday muddo lix bilood iyo bar ah ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dhallinyaradii tababarkan loo bilaabay ay dhameystaan, kuwaasoo tiradoodu ahayd
22-ruux.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay Abwaan Cabdi Shire Jaamac oo xusay in fanku uu yahay midka keliya ee shacabka Soomaaliyeed ay wax ku fahmi karaan uuna ku faraxsan yahay inuu kaga qaybgalo Muqdisho tababarkan.

Ugu dambeyn, dhallinyaradii tababarka dhameystay ayaa waxaa halkaas lagu guddoonsiiyay shahaadooyin markhaati ka noqonaya tababarkii ay qaateen ee dhinaca muusiga, waxaana intii ay xafladdu socotay halkaas ku soo bandhigay heeso kala duwan fannaaniin Soomaaliyeed.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: