Calendar

Gudoomiyaha Gobolka Bari oo Ammaanay Ciidanka Ammaanka.

boosBartamaha (Boosaaso):- Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa ammaan balaaran u soo jeediyay Ciidamada Amniga ee ka shaqeeya gudaha Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.

Cabdi Xaafid Cali yuusuf gudoomiyaha Gobolka Bari Puntland ayaa ammaan balaaran u soo jeediyay Ciidanka Amniga markii dhawaanahan laga nastay dilalka iyo qaraxyada ka dhaci jiray magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in lagu wanaajiyay ammaanka Howlgalkii dadka magaalada looga saaray isagoo intaasi ku daray in dadka laga eryay Gobolka ay amniga halis ku ahaayeen haatana laga nastay dhibkii ay wadeen.

Masuulkan ayaa ammaanta amniga jira siiyay Ciidanka amniga waxa uuna sheegay in Mudanaan gaar ah ay ku heli doonaan la socoshada amniga guud ee magalaada Boosaaso iyo talaaba ka qaadida dadka ammaanka halista ku ah.

Gud0omiyaha ayaa shacabka ka codsaday in ay la sii shaqeeyaan Ciidanka Booliiska si loo sii xaqiijiyo ammaanka Gobolka guud ahaan gaar ahaan Magaalada xarunta u ah ganacsiga Puntland Ee Boosaaso.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli ammaanka Gobolka weli uu qasanyahay iyadoo dagaalada ay kan jiraan buuralayda Galgala oo ciidanka ku kacsan Dowlada ay dagaal uga soo horjeedaa askarta Puntland.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: