Calendar

Hibo Nuura oo la gudoonsiiyay shahaado sharaf

Xaflad aad u qurux badan oo dhacday galabtii Khamiista eek u beegneyd Taariikhda 10/10/2013 ayaa Naadiga dhaqanka ee SYL-II ugu sameeyay fanaanadda qaran Hibo Nuura Hotelka Saxafi ee magalada muqdisho.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Wasaradda Horumarinta iyo Adeegga bulshada Aways Shiikh Xaadaad, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Xildhibaano uu ka mid yahay Prof. Max’ed Cumar Dalxa iyo xubno kale oo isugu jira Abwaano iyo Fanaaniin kuwaas oo dhamaantood aad ugu riyaaqsanaa xafladdaan lagu sharfayay Fanaanada oo muddo dheer kadib dalka ku soo laabatay.

Kooxda Rajo Band ee Naadiga dhaqanka ururka SYLII ayaa waxaa ay Xaflada ku soo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo heeso badan oo ka turjumaya soo dhaweyn iyo ammaan ku wajahan Fanaanada Hibo Nuura iyo suugaan wadani ah.

Fanaanada Hiba Nuura ayaa Xaflada ka qaaday heeso kala duwan oo ay horay ugu luuqeysay, waxaana heesaha ay qaaday ka mid ahaa kuwo wadani ah, sidoo kale Fanaanada Binti Cumar Gacal ayaa iyana xaflada heeso ka qaaday.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo khudbad ka jeediyay xaflada ayaa ku amaanay Hiba Nuura inay tahay astaanta u tahay horumarka magaalada Muqdisho, ayna filayaan inay fanaaniin badan dalka ku soo laabtaan.

Ugu dambeyn waxaa xaflada lagu gudoonsiiyay Hiba Nuura shahaado sharaf, dharka hidaha iyo dhaqanka dumarka Soomaaliya, iyadoo loo aqoonsaday Hido dhowrka Fanka

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: