read more »">
Calendar

“Ummada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa midnimo maanta oo ah maalintii calanka” Ra’iisul wasaare Saacid

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta shir Jara’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay maalinta calanka Soomaaliya iyo muhiimada ay u leedahay midnimada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ummada Soomaaliyeed dibad iyo gudaba uga hambalyeeyay munaasabada maalinta calanka Soomaaliyeed. Ayada oo ay ka soo wareegtay 59 sano maalintii la saaray calanka dalkeena, oo ahayd 12kii Oktoobar 1954-tii. Waxaana uu xusay in calanku u yahay astaan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u gashay madax-banaanidooda. Wuxuu sidoo kale xusay inuu had iyo jeer u taagan yahay calanku qaranimada iyo qiimaha umaadda.

“Maalinta qaaliga ah waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa midnimo, walaalnimo iyo in la eego waxa naga dhexeeya ee aan la eegin waxa na qaybiya oo kaliya. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed inaan kor u eegno calankeena qurxoon oo aan u wada guntano sidaan ku difaaci lahayn qaranimadeena iyo sharafteena, waana astaanta kaliya oo aan leenahay waa Calnkaan Buluuga ah.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in Himiladii dheereyd ee laga lahaa calankeenu ay ahayd in la qeexo lana adkeeyo qaranimmada iyo midnimadda Soomaaliya. Waxay ahayd in jiilba jiilka ka dambeeya u dhaxlo astaanta qaranka illaa la gaarsiiyo meesha ugu saraysa ee ummadi hiigsan karto.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa tilmaamay in hakad dheer ku yimid habsami u socodkii hanaanka dawliga ah iyo horumarkii dalka. Waxaana uu sheegay in Soomaalida qarnigaan joogta ka gaabiyeen xilkii ka saarnaa qaranka iyo calankiisaba. Asagoo sheegay in 22 kii sano ee la soo dhaafay uu hoos dhacay hiigsigii iyo halkii la rabay inaan gaarsiino dalka.

“Caqabada ugu weyn ee nagu habsatay, walin na haysta waa qabiilka iyo sida qotada dheer ee uu shacaka Soomaaliyeed u kala qaybiyey. Wallow wadaniyiintii u soo halgamay qaranimadeenu ay si weyn uga digeen khatarta qabiilka, waxaana hubaal ah in kala qeyb sanaan aan meel ku gaarayn, hadana wali ummad ahaan kamaynaan gudbin inaan wali taageero weyn u hayno qabiilka iyo qabyaaladda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu asagoo qeexayay sababta keentay dib-u dhaca ummadeed ee jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in loo baahan yahay in laga gudubo qolo qolada si aan qaran xoogan iyo hal qabiil oo qura u noqono. Waxaana uu intaas ku daray in dhamaan laga wada qeyb qaato sidii loo dhisi lahaa Sooomaaliya oo “Nabad ku wada nool, dariskeeda iyo Dunidana nabad kula nool, sharcigu u taliyo, horumarna hiigsanaysa.”

Ugu dambaeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay in layska kaashado la dagaalanka kuwa nabad diidka ah ee diidan Calanka Soomaaliyeed caqabadana ku ah horumarka ummadeena ee doonayaa inay shacbiga madax-furshada u haystaa. Kuwaas oo xalaalaystay dhiig umadda oo xataa aan ka xishoonayn waayey culimadii hogaanka u ahayd diinta, kuwaas oo qaarkood ay maalin cad ku laayeen masaajidada. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay in loo turo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: