read more »">
Calendar

Hogaamiyayaasha dawlada Soomaaliya oo masaajidka isbahaysiga kula tukaday dadweynaha Muqdisho salaadii ciida

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa boqolaal dadweyne salaada Ciida kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga, iyagoo si wada jir ah hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Saacid, xildhibaano, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaada ciida si wada jir ah ugu dukaday Masaajidka Isbaheysiga.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadada hor marta Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM, waxaana la baarayay dadka galayay masaajidka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Isbaheysiga alle ugu baryay umada muslimiinta in waajibaadkooda xajka alle ka aqbalo, isagoo umada Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan bas bash iyo barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan nabadda, iyo dib-u-heshiisiinta, si dalka uu u noqdo mid horumar ballaaran sameeya Farxadda Ciiddana waa mid nooga baahan inaan isu naxariisano, danteenna guudna ka wada shaqeyno.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: