Calendar

iPHONE 4 oo Shiinaha Gaaraya Bisha Soo Socota

iPad-iPhone-comboBartamaha (Shiinaha): Shirkadada ugu balaaran dhinaca isgaarsiinta dalka shiinaha ee lagu magacaabo China Unicom ayaa sheegtay iney qorshaynayso in naqshada cusub ee taleefanka gacanta ee iPHONE ay dalka shiinaha gaarsiin doonto doono bisha soo socota ee sanadkan sida lagu xaqiijiyay warbixino lagu qoray wakaalada wararka ee AFP.

Dhinaca kalana warbaahinta gudaha wadanka shiinaha ayaa iyana arintani shaaciyay in sidoo kale shirkaha China Unicom ay bilaabayso qeybinta kumbiyuutr yaraha IPad,

Si kastaba ha ahaatee hadaladani dhinaca warbaahinta ah ayaanansi rasmiya uga soo bixin shirkadda China Unicom ee gacanta ku haysa inta badan isgaarsiinta dalka shiinaha, haddana warbixinadan lagu sheegin maalinta saxda ah ee Iphone 4G la gayanyo dalkaasi.

Wararkan ayaa hadii ay sax noqdaan waxa uu war lagu farxo u noqonayaa kalyantiga shiinaha oo muddo badan sugayay helitaanka TG ee I Phone 4 si ay si sharciga waafaqsan uga heli karaan gudaha wadanka shiinaha, iyadoo kalyantiga shiinuhuna ii yahay kan ugu badan ee isticmaala aaladaha loo adeegsado dhinaca Onilneka gaar ahaana taleefanada gacanta iyo kumbiyuutrada.

Nakhshadaha cusub ee taleefanka gacanta ee Iphone oo kamida wax soo saarka shirkadda Apple ayaa kusii kordhaya dalalka ugu tirada badan bulshooyinka caalamka.

Bishii tagtay ee July ayay ahayd markii shirkadda China Unicom ay bilawday iibinta taleefanka gacanta ee Iphone 3GS oo leh awoodda wireless, amaba inuu kugu xiri karo internetka waxayna haatan u muuqataa in shirkadu ay soo dadajinayso taleefanka gacanta ee Iphone 4 G oo ah naqshada ugu dambaysay ee taleefanka I Phone oo kamida taleefanada Smartphones lagu magacaabo ee caalamka loogu jecel yahay.

Dhinaca kalana waxaa soo baxayay eedaymo ku aaddan dhinaca anteenada ee taleefanka iphone 4 G iyadoo madixii laanta taleefanada Iphone ee shirkadda Apple oo markiisii hore shirkada uga soo biiray shirkadda IMB uu shaqada isaga tagay.

Cabdiqafaar Shire.

Chief Editor

Bartamaha.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Tiknoolajiga.
« »

Comment: