Calendar

Islii oo laga taxaabay dhalinyaro ka tirsan kooxda Super Power (VIDEO)

Kenyan-Somalis 2Booliiska dalka Kenya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xabsiyada u taxaabay tobonnaan dhalinyaro ah oo looga shakisanyahay inay ku jiraan kooxda Super Power oo ah koox ay isku urursadeen dhalinyaro burcad ah oo lagu diray liiska kooxaha dambiilayaasha ah ee ka hawlgala dalka Kenya. Dhalinyaradan oo isugu jira kuwo ku dhashay waddanka Kenya, Kuwo ka yimid Soomaaliya iyo waliba kuwo laga soo dhaqan celiyay wadamada dibadda oo dhammaantood isticmaala mukhaadaraadka, isla markaana taleefannada iyo lacagta ka furta dadka shacabka ah ayaa booliisku ay sheegeen in dhammaantood ay asal ahaan Soomaali yihiin kuna midoobeen falal burcadnimo ah oo lagu khalkhal galinayo amniga xaafada Islii ee Soomaalidu ay ka dagantahay magaalada Nairobi. Saraakiisha booliska dalka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cabashooyin is daba joog ay uga imaanayeen dadweynaha sannadihii ugu dambeeyay, taasoo keentay inay sameeyaan hawlgal ballaaran oo kooxahaas lagu soo qabqabanayo. Waxayna sheegeen in lasii wadi doono hawlgalkan oo ay si wadajir ah u codsadeen guddiga ganacsatada Islii iyo golaha culimada Islaamka.

Daawo Video

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: