read more »">
Calendar

Kooxda Alshabaab oo hanjabaad cusub u jeedisay wadamada Kenya iyo Uganda

Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kale ku hanjabtay inay weeraro ka geysaneyso dalalka Uganda iyo Kenya oo horay weeraro ugu qaaday.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolada Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo wareysi siiyay Idaacada Andulus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan dalalka Uganda iyo Kenya.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin dalalkaas, ayna diyaar u yihiin in iyagoo difaacaya Kitaabka Alle ay weeraro ka geystaan sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in shacabka Jubooyinka ay ku faraxsan yihiin weerarkii Westgate ka dhacay bishii hore, isagoo tilmaamay in Ciidamada Kenya ay dhibaatooyin ka geysanayaan deegaanada Jubooyinka.

“Mujaahidiinta waxay go’aan ku gaaraan inay ka aar-gutaan, kuwa nagu soo duulay ee dhibaatada nagu haya, hadii wax walba ay inoo adeegsadeen, anagana waxaa u adeegsan doonaa wixii aan awoodno”ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Xudeyfa.

Al-Shabaab ayaa 21-kii bishii September ee sanadkan iyo bishii July ee sanadkii 2010 weeraro dad badan ku dhinteen ka kala geystay magaalooyinka Nairobi iyo Kampala, kuwaasoo ahaa weeraradii u horeeyay ee Al-Shabaab ka geystaan meel ka baxsan Soomaaliya.

Uganda iyo Kenya ayaa ah dalalka ugu badan ee xilligan Ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo Al-Shabaab ka saaray magaalooyin iyo deegaano ay ka talin jireen sanadihii u dambeeyay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: