Calendar

Madaxweyne Shariif oo maanta lagu wado in uu kulan la yeesho Mudanayaasha Baarlamanka Ee Nairobi ku sugan.

madxweynahaBartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta lagu wadaa in uu kulan la yeesho xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Ee Magaalada Nairobi ku sugan.

Kulankan oo maanta la filayo in madaxweynuhu uu qada sharaf u sameeyo Mudanayaasha Baarlamanka dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in u kala hadlo arimaha ammaanka Mudanayaasha oo badankood ah kuwa Barakacayaal ah.

Xildhibaanada Nairobi ku sugan ayaa waxaa ku jira Gudoomiye Xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka Prof.Maxmed Cumar Dalxa oo dhawaan ay Safaarada Soomaalida ka horjoogsatay in uu soo dhaweeyo Madaxweynaha oo la sheegay in illaa haatan aanay is arkin maadaama Hotelka uu daganyahay loo diiday in uu galo Masuulkaasi.

Xaalada Cabashada Mudanayaashaasi ayaa isasoo taraysay iyadoo ay badankood ka soo carareen dagaalada iyo dilalka ka jira Magaalada Xarunta u ah dowlada Soomaaliya ee Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: