Calendar

Jamaacada Al-Ictisaam oo bayaan soo saartay.

ictisaamBartamaha (Garoowe):- Jamaacada Al-Ictisaam oo xarun ku leh Magaalada Garoowe ayaa soo saartay bayaan dhowr qodob ka kooban oo ay uga hadlayan Cida diidan Nabada iyo dhibaatooyinka dalka ka socda.

Bayaan ayaa waxa uu u qornaa sidan:-

BAYAAN KA SOO BAXAY JAMAACADA AL-ICTISAAM OO KA HADLAYA XAALADDA DALKU MARAYO

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على رسول الله صلى الله عليه وسلم

وبعد:

Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa, xaaladda dalka soomaaliya ay sii murgayso, burburka iyo barakaca shacabkuna uu sii badanayo oo wax ka soo rayn ahi aanay muuqan mudo 20 sano gaadhaysa ,jamaacada Al-ictisaam Bil kitaab wasunnah iyada oo gudanaysa waajibka diiniga ah ee dusha ka saran, welwelna ka qabta khataro cusub oo ku soo fool leh dalka ,  waxaan Ummada soomaaliyeed u soo gudbinaynaa meel kasta oo ay joogto Bayaankan oo ka kooban qodobada soo socda:

1- Waxaan cadaynaynaa in colaadaha iyo dagaalada is daba jooga ah ee aafeeyay ummadda soomaaliyeed ay masuuliyada koobaad qaadanayaan cidda diidan wadahadlka iyo heshiiska ,  sababna u noqday sii socoshada dhiiga daadanaya  una horseedaya  in dalka cadaw dibadeed ku soo duulo oo  qabsado. sidoo kale masuuliyada labaad waxaa qaadaya cidda ogolaatay joogitaanka ciidamada shisheeyaha hadana doonaya inay soo kordhiyaan.

2- Jamaacada Al- Ictisaam waxay u arkayaan in aanay mushkiladda soomaaliya xal u ahayn ciidamo dheeraad ah oo la keeno , iyada oo ay muuqato burburka iyo xasuuqyada ay muqdisho ka gaysanayaan  kuwii hore u joogay ,waana arin keenaya in wadanka oo dhami faraha ka baxo.

3- ( Jamaacada Al-ictisaam Bil kitaab wasunnah) waxay arkaan in  ay jiraan ajandayaal dibadeed oo hurinaya colaadaha istaagi la’ kuwaas oo ay kala matalayaan kooxaha dagaalamayaa , sidaa daraadeed waxaan u soo jeedinaynaa in ay  ilahay ka  baqaan  xalka ummadana si wada jir iyo is afgarad ah lagu baadi goobo .

قال تعالى ( فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين)

4- Waxaan ugu baaqaynaa Ummadda soomaaliyeed , waxgaradkeeda, culimadeeda, aqoonyahankeeda iyo hogaamiye dhaqankeeda in laysu taago sidii loo qabanqaabin lahaa  shir soomaaliyeed oo looga arinsanayo sidii loo badbaadin lahaa dalka iyo diinta .

5- Ugu dambayntii Waxaan ugu baaqaynaa caalamka Islaamka gaar ahaan dawladaha carabta  ee aan walaalaha nahay inay qaataan doorka xaqqa loogu leeyahay ee kaga aadan xalinta mushkiladda dheeraatay ee dalka soomaaliya.

Gudiga Cilmi Baadhista.

Jamaacacada Al-ictisaam Bilkitaab Wasunnah.

Nuqul ka mida Bayaanka:-

bayaan ictisaam

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, Press Release, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: