Calendar

Khudbaddii M’weynaha Soomaaliya uu Kajeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Hortiisa

 
Bismillaahi Arraxmani Arraxiimi

 Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS iyo Ku-Xigeennadiisa,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J F S,

Xidhibaannada Sharfta leh,

Marwooyin iyo Mudanayaal,

 Mudane Guddoomiye,

 Marka hore salaan xushmad iyo qadarin leh kadib, waxaan jeclahay in aan idinkaga tacsiyeeyo dilkii xaq-darrada ahaa ee walaalkeen marxuum xildhibaan Mustaf Maxamed Cabdullaahi oo 22kii Sibtembar 2012 gacan ka xaq-daran. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka; idinkana, ahalkiisa iyo dhammaanteenba Ilaahay Samir hannaga siiyo.

Marka xigta, waxaan jeclahay in aan idinkaga mahad celiyo fursaddan qaaliga ah ee taariikhiga ah oo aad sida wadaniyadda leh aad iiga dalbateen ama aad iiga codsateen in aan idin horkeeno mudanaha aan u magacaabay, wadatashiyo ballaaran kadib ee aan sameeyay, xilka Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Maanta hortiinna ayaan taaganahay mar kale iyada oo uu isukaaya keentay waajib-gudasho kale. Waxaan qirayaa in dalbashadiinna in aan idin horkeeno mudane Saacid iyadoo wali lagu jiro mudada dastuuriga ah, waxay tusineysaa sida ay idinkaga go’an tahay oo aad ugu heellan tihiin gudadshada waajibaadkiinna Qaran iyo garashada baahida loo qabo in la dar dar geliyo howlaha baaxadda weyn ee sugaya qeybaha Dowladda ee ay Baarlamaanka iyo fulintu ugu horreeyaan.

Mudane Guddoomiye,

Laga soo billaabo doorashadeydii 10kii Sitembar 2012ka ilaa maanta,  waxaa ka soo wareegtay 5 todobaad iyo bar ama 38 cisho. Mudadaas kooban, waxaan ku jiray shaqo habeen iyo maalin oo isugu jirtay:

1.    LA WAREEGID XIL
2.    HABEYNTA IYO LA JAAN-QAADKA XAFIISKEYGA
3.    HAGIDDA HOWLAHA DOWLADDA
4.    LATASHIYO BALLAARAN DHINACYADA KALA DUWAN ee SHACABKA iyo MADAXDA SOOMAALIYEED SI AAN U SOO XULO MUWAADIN SOOMAALIYEED OO U QALMA XILKA RA’ISSU WASAARAHA
5.    SAFARRO DALKA GUDIHIISA IYO DIBADDIIS 

Xidhibaannada Sharafta leh,

Marwooyin iyo Mudanayaal.

Mudadii koobneyd ee aan Xafiiska joogay, waxaa noo suurta gashay arrimahan soo socda:

A)   Sameynta miisaaniyaadda seddaxda bilood ee sanadka kadhimman

B)   Xadididda kharash bixinta Dowladda

C)   U duwidda lacag bixinta xagga ciidanka iyo dib-u-xurreynta dalka

Tillaabooyinkaas waxay keeneen in ciidamada la siiyo gunnadii iyo garaamkii oona sababtay sii socoshada dib-u-xoreynta dalka oo ay ciidamadu ku qabsadeen goobo cusub oo kamid goballada sida Kismaayo, Wallaweyn, Garoonka Balli-Doogle wim.

Sidoo kale waxay xildhibaanno iyo taliyeyaasha ciidamada kormeer ku tageen meelo ka mid aggagga dhawaan laga xureeyay Al-Shabaab ee kuyaallo Gobalka Shabeellada Hoose. 

Safarkii Baydhabo

Mudane Guddoomiye,

1dii bishan Oktoobar ayaa aniga iyo wafdi isugu jira xildhibaannada ka soo jeedo deegaanka iyo madax kaleba, aan booqasho ku tagnay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waana safarkeygii ugu horreeyay ee ka baxsan caasimadda. Halkaas waxaa nagu soo dhaweeyay oo aan kulan wadatashi iyo is-xog-wareysi kula yeelannay maamulka Gobolka iyo kan degamada, saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo  dadweyne aad u badan. Waxaa kale oo aan booqannay xerada ciidanka dowladda lagu tababaro oo tababartayaal ku dhow 2000 ay ku jiraan.

Safarkii Baladweyne

Maalintii ku xigteyna 2dii bishan Oktoobar ayaa aniga iyo wafdi ay xildhibaanno kujiraan booqasho ku tagnay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, si aan ugu kuurgalno Xaaladda Guud ee Gobolka iyo dhibaatooyinkii ay geysteen Fataahadihii wabiga shabeelle ka dhacay oo ay dad ku dhinteen qoysas fara badanna ku barakaceen. Sidoo kale waxaan kulamo la qaadannay Maamulka Gobolka , Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan halkaasi. Booqashadaas kadib, waxaa dadkii ku waxyeelloobay la gaarsiiyay gargaar noocyo kala duwan ah.

Safarradaas waxay wax weyn ka tareen ogaanshaha baahida dadweynaha iyo sida ay rabaan in ay Dowladdoodu ugu adeegto. Waxaa kale oo ay safarradaas wax ka tareen tilmaamidda dadka ay rabaan in masuuliyadda loogu dhiibo.

Safarkii Uganda

8-10 kii bishan Oktoobar 2012- waxaan safar ku tagnay dalka Uganda, kadib casuumaad rasmi ah oo aan kahelay Madaxweyne Yoweri Musaveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, halkaas oo aan uga qeybgalney  munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 50aad  ee kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

Intii aan joognay Kampala waxaan la kulmay madax ay ka mid yihiin Yoweri Musaveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda iyo Mwai Kibaki, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya oo aan kawada hadalnay xoojinta xiriirrada noo dhaxeeya ee taabanaya calaaqaadka iyo deris-wanaagga

Wufuudda Wadamada aan Walaalaha iyo Saaxiibada Nahay 

Mudane Guddoomiye,

Mudadii aan shaqada billaabay oo ah 38 cisha ilaa maanta, waxaan si isdaba-joog ah magaalada muqdisho u soo gaarayay wufuud kala duwan oo ka kala socday dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay. Wufuuddas waxay u yimaadeen taageerada ay u muujinayaan isbeddalka iyo wadada cusub ee ay Soomaaliya cagta saartay. Annaguna waxaan si cad ugu qeexeynney sida aan wax u rabno meelaha muhimadda koobaad iyo labaad iyo seddaxaad aan saareynno, waxaan kaloon u tilmaannay sida la isu-waafajinayo baahideenna iyo taageerada caalamka iyo waliba in laga guuro dhaqamadii lagula dhaqmaayay Soomaaliya xilligii kumeel gaarka.

Xidhibaannada Sharafta leh,

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Sida aad wada xusuusataan kudbadbooyinkeygii doorashada kahor iyo kadibba, waxaan hortiinna ka caddeeyay tiirar lix ah oo aan ugu magac daray TIIRARKA SAL-DHIGGA U AH BILLOWGACUSUB oo ah Tiirarka waa weyn ee dib u soo kabashada Soomaaliya , soona koobayay islamarkaana hage u ah barnaamijka iyo siyaasaadka ay Dowladda aad madaxdatinnimadeeda ii doorateen fulin doonto si isbeddalka iyo hannaanka cusub loogu gaaro NABAD, CADAALAD IYO HORUMAR ay hoggaanka u heyso Dowlad Soomaaliyeed oo si buuxda u hanata maamulka dalka islamarkaana u horseeddo in uu shacabka Soomaaliyeed uu gaaro in uu si  xor ah oo nabadgalyo leh isu doorto isagoo leh Dastuur dhameys tiran iyo shuruuc kala hagta oo leh hey’adihii fulinayay iyo kuwii ilaalinayayba sida dunida inteeda kale. Qodobadaas oo kooban waxay ahaayeen:

1.    XASILINTA DALKA(Soo celinta nabadgalyada iyo kaladambeynta iyo dhisidda Garsoor caadil ah)
2.    SOO KABASHO DHAQAALAHA
3.    NABADEYNTA IYO DIB-U-HESHIISIINTA
4.    SOO NOOLEYNTA ADEEGYADA BULSHADA
5.    MIDNIMADA IYO WADAJIRKA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED
6.    ABUURIDDA XIRIIR CAALAMI AH OO KU SALEYSAN ISKAASHI IYO ISQADARI

Laakiin  maanta mar kale waxaan qodobadaas u soo hormarinayaa seddax qodob oo deg deg wax looga qabanayo kuwaas oo kala ah:

NABADGALYADA,

GARSOORKA IYO

MAAMUL MAALIYADEED HUFAN

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Ii oggolaada in aan isxasuusinno dhowr qodob oo ka tarjumaya xaqiiqda dhabta ah ee uu dadkeenna iyo dalkeenna ku sugan yahay wax ka qabadkoodana nalaga sugayo:

  1. Waxaad matashaan oo aad xildhibaanno u tihiin shacab iyo dal ay dhallinyartiisu boqolkiiba in ka badan 60% ay ku hammineyso iney dalka ka hijroodaan oo ay nolol u raadsadaan waddamo shisheeye.
  2. Shacab iskucelceliska cimriga qofku ka yar yahay 50
  3. Dal shaqa la’aantu ay gaartay meesha ugu sarreysa oo ah in ka badan 70%
  4. Tirada Qaxootiga Soomaaliya ee xeryaha deriska  wuxuu gaaray hal milyan (1m)

Ra’iisu-wasaare Saacid

Mudane Guddoomiye,

In aan Ra’iisu-wasaare Saacid soo magacaabo waxay ahayd howl culus iyo masuuliyad baaxadweyn oo runtii ila gaartay dhammaadka mudadii uu Dastuurka ii oggolaa. Sababta daahiddaas waxay ahayd mid ku saleysan wadatashi, kafiirsi iyo yaa masuuliyadda xilkaas qaadi kara. Ugu dambeyntii Ilaahay wuxuu igu duway mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dad badan oo idinka  mid ah aad u yaqaannaan.

Maxaan ku Doortay Mudane Saacid?

-      Talooyinkii la isiiyay ee ay qeybaha kala duwan ee shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed ku tilmaamayeen sifaadka iyo astaamaha ay ka rabaan shakhsiga loo dhiibayo Xilka Ra’iisuWasaaraha oo iiga dhex muuqday

-      Aqoontiisa iyo khibraddiisa Maamul iyo Siyaasadeed

-      Waa dhaqaale-yahan aqoon gaar ah u leh dhaqaalaha oo soo nooleyntiisa ay ka mid tahay Tiirarkeenna dib-u-soo celinta Soomaaliya

-      Waxaan aamin sanahay in Saacid yahay nin dhexdhexaad ah karti u leh inuu igala shaqeeyo isukeenidda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed

-      Xiriirkiisa shacbiyadda gudaha iyo xiriirkiisa caalamiga ah

Haddaba waxaan si xushmad iyo qadarinba leh idinkaga codsanayaa in aad ila qaadataan mudane Cabdi Faarx Shirdoo (Saacid), Ra’iisu Wasaaraha si la mid ah sidii sharafta la heyd ee aad anigaba ii sii seen codkiinna. Ra’iisu Wasaare Saacid waxaan ku soo xulay astaamaha kor kuxusan, ee waxaan idinka codsanayaa in aad kalsoonidiinna siisaan idinka oo maskaxda kuhaya howlaha baaxadda leh ee deg degga ah ee nawadasugaya.

Xidhibaannada Sharafta leh,

Marwooyin iyo Mudanayaal

Haddaad ansixisaan Ra’iisu-Wasaaraha wuxuu si deg deg ah idiin hor keeni  doonaa golihiisa wasiirrada iyo barnaamij cad oo wax ka qaban doona isbeddalka aan ku baaqaykaas oo ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto. Sida aad la socotaan, Xukuumaddu waa fuliyaha barnaamijka iyo siyaasadda Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed. Idinkuna waxaad tihiin hey’addii ugu sarreysay dalka ee ansixineysay xukuumadda iyo barnaamijkeeda kadibna hubsaneysay in barnaamijkaas iyo siyaasaadkaas meel maraan sida ugu hufan.

Xidhibaannada Sharafta leh,

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Ma doonayo in aan hadalka idinku sii dheereeyo intaa in kabadan, waxaan rajeynayaa in aad codsigeyga tixgalisaan oo aad Ra’iisu-Wasaaraha aan soo xulay mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) aad kalsoonidiina siisaan si uu ugudo galo howlaha looga fadhiyo.

Mahadsanidiin

 

 

Soomaaliya ha soo noqoto, Guuleysta

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: