Calendar

R.W. Cabdi Faarax Shirdoon oo si Aqlabiyad leh ku heley Kalsoonida Baarlamaanka (DAAWO KHUDBADDA)

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow codka kalsoonida siiyey raysul wasaaraha dhowaan la magacaabay ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo maanta hortagay baarlamaanka.

Kulan baarlamaanku saaka isugu yimid oo uu shir gudoominayey afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goluhu si aqlabiyad ah ku ansixiyey magacaabista raysul wasaaraha cusub ee la soo magacaabay 6-dii bishan Oktoobar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka maanta ka soo qeybgalay ayaa mudanayaasha u sheegay inuu u keenay raysul wasaarihii uu mudada raadinayey maantana uu horjoogo baarlamaanka.

Wuxuu madaxweynuhu baarlamaanka ka codsaday in ay codka siiyaan raysul wasaaraha si loo soo dhameystiro dhismaha xukuumadda hawlaha dawlada laga rabana loo sii ambaqaado.

Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo isaguna saaka baarlamaanka goobjoog u ahaa ayaa jeediyey khudbad kooban isagoo sheegay in waxa ugu horeeya ee uu ku dhaqaaqi doono ay tahay soo dhisida gole xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta marxalada hadda lagu jiro.

Wuxuu raysul wasaare Shirdoon soo hadal qaaday in sugida amaanka dalka iyo xasilinta guud ay ka mid tahay qorshayaasha ugu horeeya ee xukuumadiisa.

Cod gacantaag ah

Kulanka baarlamaanka waxaa xaadiray saaka 215 mudane, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka baarlamanka markii uu shirku furmay.  Codeynta ayaa loo qaaday hab gacantaag ah, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay codeynta taasoo ka dhigan in raysul wasaare Shirdoon uu ku soo baxay “hab aqlabiyad leh”.

Prof Jawaari ayaa isaguna markii codka la qaaday ku dhawaaqay in raysul wasaaruhu ansax yahay uuna gudan karo wixii waajibaad qaran ah ee u yaalla.

Gabagabadii ayaa raysul wasaaraha la ansixiyey wuxuu baarlamaanka uga mahadceliyey kalsoonida ay siiyeen.

Raysul wasaare Shirdoon ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda guda galo dhismaha xukuumadda cusub oo la filayo inay ka koobnaan doonaan illaa 23 wasiir oo dhamaantood ah kuwo wada cusub.

Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa noqonaya raysul wasaarihii ugu horeeyay ee aqlabiyad guud oo aan ka aamus iyo diidmo lahayn lagu asixiyo. Kadib ansixinta baarlamaanka waxaa uu heystaa mudo afar usbuuc ah si uu u soo dhiso xukuumadda

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured.
« »

Comment: