Calendar

Maamulka gobolka Sh.Dhexe oo baadi goob ugu jira askari toogtay sarkaal ta tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dilay deegaanka Buurane Sarkaal ka tirsan Guutada 1aad Ciidamada xooga dalka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil Laambey, iyadoo la sheegay inuu ahaa Taliye koox ka tirsan ciidamada dowladda ee aaga Buurane.

Dilka ayaa yimid markii uu muran soo kala dhex galay sarkaalkan iyo askari, taasoo keentay in rasaas uu ku furo.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu u baxsaday deegaanada dhanka galbeed ka xiga Jowhar.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa askariga dilka geystay ka baadigoobaya deegaano ku dhow dhow Gobolka, iyadoo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono.

Ma ahan wax cusub in askari uu dilo askari kale ama sarkaal, waxaana dhowaan Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dilal ku fulisay ilaa saddex askari oo ka qeyb qaatay dilka Sarkaal ka tirsanaa ciidamada xooga dalka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: