Calendar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidamada dowladda ee Gobollada dhexe wey helayaan Xuquuqdooda

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee tababarka ugu socda xerada 21 aad ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kormeer iyo booqasho ugu tagay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad,  iyadoo uu gudoonsiiyay Ciidamadan uu tababarku u socdo 3 neef oo geel ah oo ay u dhiibeen madaxda ugu sareysa dalka.

Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay ujeedada uu u tagay magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay in uu u tagay halkaasi si uu wax badan uu uga  ogaado qaabka tababarka uu ugu socdo Ciidamada ku Sugan halkaasi, waxaana uu tilmaamay in kulan uu la qaatay saraakiisha Ciidamada ee ku sugan gobolkaasi uu kala hadlay in laga shaqeeyo tayeenta Ciidamada Qalabka sida ee ku sugan halkaasi.

Booqashada Xildhibaanka oo aheyd mid dhiira galin ah ayaa waxaa qadka teleefoonka isna dhankiisa hawada u mariyay hadalo muujinaya sida dawladda ay uga go’antahay tageerada Ciidamada Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ugu mahad celiyay Ciidamada howsha ballaaran ay ka wadaan gobolada dhexe, waxaana uu tilmaamay in ay bixin doonto Dowladda Soomaaliya Xuquuqa Ciidamadaasi ay leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna sheegay in xuquuqda y leeyihiin la siin doono ciidankaas, maadaama aysan in muddo ah mushaaradkoodu qaadan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: