Calendar

Maamulkii Dowlada Gobolka Sh/Dhexe oo wacad ku maray in dagaal ay ku qabsanayaan Jowhar.

gobolada somaliaBartamaha(Jowhar):-Maamulkii hore Ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa balan ku qaaday in ay dagaal uga saarayaan Gobolkaasi Kooxda Alshabaab oo haatan ka talisa.

Macali Daahir Cadow Calasow oo ah Gudoomiyihii Dowlada u xilsaartay Gobolka Sh.Dhexe ayaa ku hanjabay in ay ka saarayaan Gobolkaasi Kooxda Alshabaab oo haatan awood ku haysata Gobolka.

Macalin Daahir ayaa sheegay in Gobolka ay dhibaato ammaan daro ah ka wadaan Alshabaab waxa uuna sheegay in aanay shacabka ku fiirsan Karin dhibaatada lagu hayo.

Masuulkaasi waxa uu sheegay in uu haatan ku suganyahay Deegaan ka mida Gobolka dhawaanaha ay dagaal uga saarayaan Alshabaab Magaalada Jowhar oo ay ku xooganyihiin Ciidamada Xarakada Shabaab.

Daahir Cadow waxa uu ku faanay guula balaaran ay ka gaareen dagaalo ay la galeen Alshabaab oo ka dhacay deegaano badan oo ka mida Gobolka isagoo sheegay in ay saraakiil ku laayeen dagaalada deegaano badana ay uga qabsadeen Alshabaab.

Hadalka Sargaalkan ayaa imaanaya xilli todobaadyadii ugu dambeeyay dagaalo ay ka dheceen Gobolkaasi Sh/Dhexe halkaasi oo Alshabaab iyo Ahlu sunnah ay ku dagaalameen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: