read more »">
Calendar

Madaxwayne Shariif Axmed iyo Shariif Xasan oo shir albaabada u xiranyahay ku yeeshay dalka Uganda.

Shariif Axmed iyo Shariif Hassan

Shariif Axmed iyo Shariif Hassan

Bartamaha (Kampla-Uganda):-Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulammo ay albaabadu u xiran yihiin maalmahan ku lahaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Amb. Mahiga ayaa isku dayaya sidii uu Labada mas’uul uu u dhex dhexaadin lahaa, si loo helo mowqif mideysan oo ku aadan xalka siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo guda geli lahaa shirka bartamaha bishan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.
Goobjoogalyaal ku sugan magaalada Kampala ayaa sheegaya in qodobka ay labada mas’uul isku mari la’yihiin uu yahay midka doorashada.
Danjire Mahiga ayaa la sheegay inuu labada mas’uul la kulmay uu isku dayayo inuu isku soo dhaweeyo, waxaana lagu wadaa inay kulammadu sii socodaan maanta oo Isniin ah, waxaana khilaafka labadan mas’uul ka dhex-taagan uu hareerayay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ee ka dhacay Kampala kaasoo aan weli laga soo saarin war-murtiyeed.
Go’aannadii shirkii ICG laga soo saari lahaa maanta ayaa dib loo dhigay illaa berri sida ay sheegayaan wararka laga helayo Kampala, waxaana sababta dib u dhaca lagu sheegay khilaafka labada mas’uul iyo inaan lagu soo darin warmurtiyeedkan halkii sano ee uu codsaday madaxweynaha Uganda in loogu daro xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: