Calendar

Mahiga “Ciidamada Dowlda waxaanu gaarsiineyna isku filnaan”

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay dhaqaale xooggan ku bixiyaan dhismaha ciidamada dowladda Soomaaliya si ay amniga dalkooda ugala wareegaan ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in ciidamada Soomaaliya aysan xilligan awoodin inay la wareegaan amniga dalka oo ay bedelaan Ciidamada AMISOM, haddii aan la siinin tababarro iyo agab ku filan.

“Ka bixitaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM gudaha Soomaaliya waxay u baahan tahay inay jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo kala wareegi kara amniga, taasna meesha waa ka maqan tahay” ayuu yiri Mahiga oo sidoo kale tilmaamay in howsha tababarka ciidamada Soomaaliya aanay si deg deg ah ku socon, isagoo taasi u sababeeyay dhaqaale buuran oo aan jirin.

Wasaaradda Gaasgaandhigga ee dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in xayiraadda hubka ee saaran Soomaliya laga qaado, si tayo iyo tabar loogu yeelo ciidamada Qaranka, amniga dalkana ay ula wareegaan, waxaana xusid mudan in dalka Soomaaliya uu saaran cunaqabatayn dhanka hubka ah 21-kii sano ee u dambeeyay, wax hub ah looma ogola inay dowladdu soo gadato.

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: