Calendar

Hadii Jaceylkaga laga waayo Qodabadan waad ku fashilantay Guurka aad ku han weyntahay(Warbixin Xasaasi ah)

Guurka ama aqal-galka waa raxmad Eebe, Hooyadu madhasho Caruur iyada oo aan marin Jaceyl lagu guuleysto Ogaaw aabahuna waa lamid balse Aadanuhu ama Bani’aadamka waxa ay ku kala tageen dhaqan kala duwan, waxad arkeysaa ruux qayaano badan oo mar waliba ku fakira inuu qiyaano Saaxiibtiis ama Saaxiibkiisa,

Haddaba Culimada qorta Arimaha Bulshada waxa ay aaminsan yihiin in Guurka uu yahay mid qiima badan Hayeeshe waxaa sharafta uga dheelay guurka Dhalinyaro aan Ehel u ahayan ‘’Jaceylka’’ kuwaasoo isku sheega balan-qaadyo aan dhamaan

Nin iyo Naag, Oday iyo Ciroole Ogaaw hadii lagaa waayo 12-Qodob Jaceylkaada waa mid aan sal iyo baar ku lahayn Mustaqbal fog, Qodobadaasi oo kala ah:-

1- Wada sheekeysi joogta ah oo idin dhex-maraa adiga iyo lamaanahaaga

2- Qalbi nadiif ah iyo Jaceyl daacad ah

3-Dabaal-dag ama soo bandhig Jaceylkaada

4-Inad awoodo in Lamaanahaaga aad ka saari karto ‘’Shakiga’’ adiga oo adeegsanaaya Erayo qanciya lamaanahaaga ….. hana ilaawin inta kahoreysa guurka in mar waliba Shakiga uu badan yahay

5- Inad Eebe ama alle tala saarato inta aad ku guda jirto Jaceylkaada Cusub si aad uga talaabsato ‘’Qiyaanada,musuq-maasuqa’’ kaga imaanaya dhanka Lamaanahaaga

6-Mar waliba ahaaw Ruux u deg dega sameynta Ficilka aad ka aaminsantahay Lamaanahaaga xumaan iyo wanaag. Maxaa yeelay haddii aad ka habsaanto sameynta Ficilkaada waxaa kugu dhacaaya dib u dhac iyo niyad jab aan laga kabsan.

7-Naftaada u sheeg in aad sameynkarto Ficil waliba adiga oo ka fogaanaya Niyad jab

8- Ogaaw Jaceylkaada wad ku fashilantahay hadii aad qancin weysay Lamaanahaaga iskuna day inad u sheegto wax waliba ee wanaag ah maxaa yeelay lamaanaha inta aysan is-guursan waxaa bata Shakiga

9-Inad ogaata in nafsadaada ay qaaday Masuuliyad

10-Noqo shaqsi ama shaqsiyad xiriiriya Ehelka lamaanaha kahor inta aadan la aqal-galin Jaceylkaada si aad uga bad-baado neceeb kaga imaada dhanka Ehelka lamaanahaada

11-Usoo bandhig Qaaligaaga ama qaaliyadaada guur lagu nagaado si uu u ogaado inad Jeceshahay

12-DIGNIIN. Qodobka ugu dambeeya oo ah inad iska ilaaliso faragalinta Jirka Gabadha aad Jeceshahay Ogaaw Ciyaar waa galinka dambe niyadana usheeg in Gabadhaasi aad la hoyan doonto marka aad guursato kana bogan doonto adinka oo isku raali ah ilaaheyna Raali idinka yahay.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Madadaalo | Entertainment.
« »

Comment: