read more »">
Calendar

Marwada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo deeq gaarsiisay Barakacayaal iyo Sawiro

IMG_8916

Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Marwada Ra’iisal Wasaaraha dalka Hodan Saciid Ciise ayaa duhurnimadii manata u qeybisay barakacayaasha ku nool qaar ka mid ah Kaamam ku yaalla degmada Wadajir deeq gargaar ah oo gaareysay in ka badan 40 Milyan oo shillin Soomali ah oo ay iska soo ururiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bafallo ee dalka Mareykanka iyo dhar aad u badan oo isna ay soo dhiibtay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Sanca xarunta dalka Yeman .

Marwo Hodan Saciid oo la hadashay saxaafadda ayaa sheegtay in deeqdaasi gargaarka ah loo qeybiyay sidii loogu talo galay islamrkaana ay qoysqoys u gaarsiisay lacagtii ay soo dhiibeen dadka ku nool magaalada Bafallo ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa siyaabo kala duwan uga waramay xaaladda ay ku noolyihiin.

Dadka maanta la gaarsiiyay deeqdaasi macaawinada ah ayaa waxaa ka mid ah labo haween eheyd oo caruurtoodii uga geeriyoodeen cudurro iyo abaaraha saameyay gobollada dalka

Marwo Hodon Siciid Ciise oo saxaafada kula hadashay gudaha Kaamka Koorsan ayaa baaq u jeedisay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha iyo kuwa beesha caalamkaba inay gargaar u fidiyaan dadkan abaarta daran heyso.

Marwada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta deeq isugu jirta Lacag iyo dhar laga soo dhiibay magaalada Bafallo ee dalka Mareykanka iyo safaaradda Soomaaliya ee Yeman u qeybisay qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan degmada Wadajir.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Sawiradda kale Hoos ka fiirso

IMG_8920

IMG_8922

IMG_8933

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: