Calendar

MASAAJIDKA IYO XARUN DHAQAMEEDKA DAR AL-HIJRAH AYAA AL BAABADA U FURAY…

Masaajidka iyo Xarun dhaqameedka Dar Al-Hijrah ayaa al baabada u furay kuna soo dhaweeyay dhamaan dadka degan kuna dhaqan labadda magaalo ee mataanaha ah (Minneapolis/St.Paul) iyo nawaaxigooda ee Gobolka Minnesota. Xafladdan ayaa waxay dhacday Khamiistii, April 2, 2009. Maamulka Masaajidka iyo Xarunta Darul-Hijra ayaa sheegay in cidkasta oo rabta ama khusaynaysa in ay arkaan masaajidka gacmo furan lagu soo dhaweynayo.cover-pic

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badnaa oo ay kamid ahaayeen dadka dariska la’ah masaajidka oo iyagu aad ugu riyaaqsanaa fursadan qaaliga ah ee ay kaga qayb qaateen kulankan mar la’arag ah.
Waxaa si hab wanaagleh kulankan uga soo wada shaqeeyay maamulka ururka West Bank Community Coalition iyo maamulka masaajidka iyo xarun dhaqameedka Dar Al-Hirah.
Madaxweynaha Dar Al-Hijrah Youth Council, Kaamil Haider oo isagu xiriirinayay xafladda ayaa markii ayaadaha Qur’anka kariimaka lagu furay waxa uu makarafoonka warbaahinta ku soo dhaweeyey Imam Sharif A. Mohamed oo isagu soo dhaweeyay dhamaan dadweynihii goobtaas xaadirka ka ahaa. Waxaa isaguna goobtaas ka hadlay Benjamin Marcy oo ah madaxweynaha ururka West Bank Community Coalition. Waxaa kale oo isaguna hadlay Abdisalam Adam oo isagu ah maamulaha guud ee Masaajidka iyo xarun dhaqameedka Dar Al-Hijrah.finallogomarch2009_jpeg


Marti sharaftii xafladdan ka qayb qaatay kana hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Cam Gordon oo ah Minneapolis city council, Abia Ali oo ah Treasurer WBCC, Hussein Samatar oo ah maamulaha guud ee African Development Center, Laura Silver oo ah madaxweynihii hore ee WBCC iyo Mohamed Samatar oo isagu kamid ah ururka ardayda ee Salahudin.
Xafladdan iyo borogaraamkii loogu talagalay ayaa iskugu jiray, casho, sheeko wadaag, aqoon is weydaarsi iyo sawiro soo bandhigaya bilicda iyo barnaamijyada ka baxa masaajidka iyo xarun dhaqameedka Dar Al-Hijrah. Dhalinyarada ururka ardayda ee Salahudin ayaa iyaguna ruwaayad yar oo goos goos ah goobtaas kasoo bandhigay. Dhammaan dad weynihii kasoo qayb galay xafladdan ayaa u ee kaayeen kuwo faraxsan oo xafladda ku qanacsan. Waxaa kale oo xafladdan kasoo qayb galay dadka la shaqeeya war baahinta.100_1577
Xafladdan aadka u qiimaha badnayd ee ay qabteen masaajidka iyo xarun dhaqameedka Dar Al-Hijrah oo kuyaala xaafada loo yaqaan Cedar, Jaaliyadda Soomaaliyeedna ay aadka u dagan yihiin, ayaa ugu danbeyntii waxaa la’oran karaa waxay ahay mid run ahaantii aad u wanaagsaneyd, dhamaan dad weynihii kasoo qayb galayna ay aad ugu qanacsanaayeen natiijada kulankan albaabadu u furanyihiin.

Daawo Sawirada

W/Q: Abdirahman “Abdirashiid” Mukhtar
Sawir Qaade: Maxamed Wiil Waal

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Diaspora, Minnesota, Photos and tagged , , , , , .
« »

Comment: