Calendar

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo kusii qul-qulayo dalka BELGUIMKA

Dalka Belguimka caasimadiisa Brussels ayaa waxaa kusii qul-qulaya xubnaha Soomaalida ee ka qeybgalaya shirka arimaha Soomaaliya ee dalkaasi ka dhacaya.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islam Axmed Madobe ayaa uduulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,halkaasi oo lasoo sheegayo inuu kaga sii ambabixi doono Magaalada Brussels ee dalka Belguimka.

Xubnahan wafdigaan ayaa waxaa Garoonka Magaalada Kismaayo kusii dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba,intii Axmed Madoobe uu ka dhoofaye Garoonka Kismaayo waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo oo ciidan badan lagu daadiyay.

Wafdiga Axmed Madoobe uu horkacayo ayaa tagaya Magaalada Nairobi kadibna uga sii ambabaxayo Magaalada Brussels si ay kaga qeybgalaan Shirka arimaha Soomaaliya ee 16-ka Bishan ka furmaya dalka Belguimka.

Masuuliyiin kale oo Soomaali ah kana mid ah xubnaha ka qeybgalayaasha shirka Brussels ayaa kusii qul-qulaya dalka Belguimka oo isniinta uu ka furmaya shirka.

Xubno ka socda xafiisyada madaxtooyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Brussels ee dalkaasi Belguimka kuwaasi oo kulamo hordhac ah la leh masuuliyiin ka tirsan xubnaha kasoo qeybgalaya shirka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada ku sugan dalka isutaga Imaaraadka carabta halkaasi oo uu kaga sii ambabixi doono dalka Belguimka si sharcigaasi uu isna uga qeybgalo.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: