read more »">
Calendar

Mid kamid madaxda hay’adda PDRC oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

995744_606913162681535_1125571060_nMid kamid madaxda hay’adda PDRC ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in C/naasir Dhoombe oo ka mid ahaa madaxda Hay’adda cilmi baarista iyo horumarinta ee Puntland (PDRC) in la toogtay xilli uu kasoo baxay masaajidka Imaamu Shaafici ee xaafadda Garsoor oo uu ku soo tukaday salaadii taraawiixda.

kooxo aan haybtooda la garanayn oo bistooladu ku hubaysan ayaa la sheegay inay weerarkan fuliyeen islamarkiina ay ka baxsadeen goobta ay ku dileen marxuumka.

Isla magaalada Gaalkacyo ayaa horay loogu dilay madaxii hay’adda PDRC, iyadoo an la garanayn sababta ka dambaysa weerarada lala beegsanayo hay’adaas.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ay ciidamada ammaanku u soo qabteen dilka masuulkan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: