Calendar

Mudaharaadkii Minneapolis oo lagu soo Bandhigay Halku Dhegyo Jaaliyada Soomaalida Kala Fogeynaya (VIDEO)

mudaharadka

Minneapolis (BARTAMAHA) Kooxda kasoo horjeeda Siyaasiga da da yar ee Maxamuud Noor ayaa waxa ay soo abaabuleen dibadbax kooban isla markaasna qabyaaladeysan Dibadbaxa ayaa laga hor sameeyey albaabka hore dhismaha ay Jaaliyada Minnesota kula kulmeysan Madaxweyne Xassan SH.

Dibadbaxaas ayaa si bareer ah loogu aflagaadeeyey Beesha Hawiye iyaga oo qabanqaabiyaasha Dibadbaxa ay shacabka u soo dhiibeen boorar ku ay ku qoran yihiin halku dhegyo anshaxa ka fog.

Boorarka qaar waxaa ku sawirada Amiin Caamir uu uga faalooda Siyaasada Soomaaliya, qaar waxaa ku dhaganaa Xassan SH iyo Xassan Daahir Aweys, Qaarna waxaa ku qornaa erayo lagu beegsanayey beesha Hawiye liidayo.

Bartamaha Online oo dadkii mudaharaadayey wax ka weydiisay waxa uu mudaraadkooda ku saabsan yahay ayaa waxa ay u sheegeen in Madaxweyne Xassan SH uu ku fashilmay hogaanka dalka, Arimaha Shabeelada Hoose & dilka xildhibaanada.

Waxaad si aad u badan lasoo dhoobay booliis iyo sirdoonka mareykanka iyada oo mararka qaar la arakayey  dadka galaya dhismaha shirka iyo mudaraadayaasha oo hadalo kulkulul is dhaafsanaya.

Jaaliyada Soomaalida ayaa lagu wadaa kala jabin iyo fadqalalo iyada oo looga gol leeyahay in aysan dooran Siyaasiga Dada yar ee Maxamuud Noor.

aflagaadada-mudaharadka

aflagaadada-mudaharadka 2

Screen shot 2014-08-10 at 6.57.36 PM

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Minnesota.
« »

Comment: