Calendar

Puntland iyo Cabdi Wali Gaas oo is haya

Madaxweynaha Puntland iyo Ra’isal wasarihii hore oo salaada ciid isla tukaday – Keyd

Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa eedeyn kulul usoo jeediyay Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya  Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo socdaal ku jooga Puntland.

Wasiirka Warfafinta Puntland Maxamud Ceydiid Dirir oo wareysi siiyay idaacada BBC ayaa sheegay inuu hadalka Gaas uu yahay mid dhibaato u geysanayo xasiloonida Puntland.

Maxamud Ceydiid ayaa ku tilmaamay in Cabdi Wali Gaas uu u hadlay sidii siyaasiyintii fashilantay, waxbane ka jirin eedeymaha usoo jeediyay maamulka Puntland.

Dhankiisane Ra’isal wasaarahii hore oo BBC-da wareysi siiyay waxa uu sheegay ineysan jirin qalqal uu ku hayo amaanka Puntland uuna sheegay waxyaabo xaqiiqda jiro ku saleysan.

Waxa uu Xildhibaan Cabdi Wali Gaas iney waxa uu sheegay iney tahay in dowladda ka jirta Puntland ay tahay iney dhageysato dhaliilaha loo soo jeedinayo ayna saxdo waxyabaha khaldan.

Khilaafka Puntland iyo Cabdi Wali Gaas ayaa la sheegayaa inuu ku saleysan yahay doorashooyinka la filayo iney ka dhacaaan Puntland oo laga yaabo iney dib u dhac ku yimadaan.

Deeganadda Puntland ayaa waxa jiro warar la isla dhex marayo oo sheegayo inuu Gaas doonayo inuu u tartamo madaxtinimada Puntland wallow mar la weediyay uu sheegay inuusan xilligan ka hadlayn.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: