Calendar

Obama oo dib loo doortey + Sawiro

Madaxweynaha xillagan ee wadanka Mareykan-ka Barack Hussain Obama ayaa dib loogu doortey inuu sii hogaamiyo 4-ta sano ee soo socota.

Obama ayaa helay ugu yaraan wax ka badan 303 codadka Electoral-ka kaas oo ka badan intii looga baahnaa oo 270 cod ahaa.

Isagoo ka hadlayay magalada Chicago Madaxweyne Obama waxa uu gacanta u haaatnaya dadweyne faro badan oo kazoo qeyb galay xafladda dabaal dagga guusha doorashadda ee soo hoyeen.

“Waxa wada nahay Hal qoys oo American – Horey ayaa u wada soconaynaa anagoo hal dal ah”Ayuu yiri Obama. “Waan ognahay qalbiyadeena waxa ay filayaa in waxa ugu wanagsan aan heli doono”

Obama waxa uu u mahadceliyay ninkii la tartamayay ee Mitt Romney uu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay u shaqeeyeen dadweynaha.

Dhinaciisane isagoo ka hadlayay Magaladda Boston isagoo ka hadlayay ninka rooga badiyay doorashadan Mitt Romney, waxa uu ogolaaday in laga badiyey, isagoona qadka telefon-ka uga mahadceliyey madaxweyne Barack Obama.

“XIlligan waa mid a xaaladdo adag ku jiraan Mareykan-ka, waxana u duceynayaa madaxweynaha inuu si guul ah ku hago wadankeena” Ayuu yiri Romney

Madaxweynaha Mareykan-ka Obama waxa uu sheegay iney jirto shaqo badan oo hortaala isagoona dadweynaha u sheegay iney wada shaqeyaan si wadanka ugu baxo xaaladda shaqo la’aanta badan eek a jirta.

Hambalyadda

Madax faro badan oo caalamka ayaa durbadiiba usoo direyso hambalyo madaxweynaha 44 ee Mareykan-ka.

Ra’isal wasaaraha wadanka Ingiriiska David Cameroon ayaa ka mid ah dadka soo hambalyeeyay waxana uu fariin uu qorey Twittter-kisa ku sheegay inuu filayo iney sii wada jir ah u wada shaqeyaan.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa hambalyo u direy isagoona sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin guusha Obama, isagoona sheegay iney ku faanayaan inuu xiriir dhalasho uu la leehyahay Kenya.

Mohamed Abdi Nor Mascud

Facebook and Twitter 

[slidepress gallery='dib-u-doorashada-obama']

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: