Calendar

Qaramada Midoobay:”Soomaaliya waxaan ka taageereynaa ka hortaga weerarada Al-shabaab”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ka dhacay saldhiga Booliska ee magalada Beledweyne, kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen ururka Alshabaab ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ban Ki-moon ayaa waxaa lagu yiri: “Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu si xoogan u cambaareynayaa weerarkii dhimashada badan sababay ee ka dhacay saldhiga Booliska ee Beledweyne, kaasi oo daba socdo weeraromlamid ah oo shacabka lala eeganayay todobaadyadii lasoo dhaafay”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay weeraradaasi oo kale ee ka dhanka ah dowlada iyo shacabka ay sababeen waxyeelooyin aad u daran, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

Gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu weeraray afaafka saldhiga magaalada Beledweyne waxana la sheegayaa in tirada dhimashada ay mareyso ku dhawaac 20 ruux.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray dadkii eheladooda ay ku geeriyoodeen weerarkii Beledweyne, sida warka kasoo baxay xafiiskiisa lagu sheegay.

Siakastaba Ban Ki-moon ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka teegarayaan ka hortagida weerarada qaar, ayna ka shaqeynayaan nabad gelyada Soomaaliya iyadoo taageerayadaasi ay qaramada midoobay u fidin doonto dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: