Calendar

Qarax lagu dilay nabadoon Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Kismaayo

qarax-620x330Qarax Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaaawac gaystay ayaa maanta waxaa Magaalada Kismaayo lagula eegay Mid kamid ah Nabadoonada sida weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Warar isqilaafsan oo ka soo baxaya Qaraxa ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso iyadoona sidoo kale la sheegay in Qaraxa uu ku xirnaa Gaari sida la tilmaamay uu watay Nabadoon Suldaan C/qaadir Xaaji isla markaasina lagula eegtay nawaaxiga Warshada Hilibka ee Magaalada Kismaayo.

Waxaana qaraxaasi ku geeriyooday sida la xaqiijiyay Nabadoonka iyo Dareewalkii Gaariga u waday.

Nabadoon Suldaan C/qaadir Xaaji ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Salaadiinta sida weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo isla markaana waxaa la tilmaamay inuu ka tirsanaa Odayaasha deggan Jaamacadda Magaalada Kismaayo ee doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: