read more »">
Calendar

Kenya oo sheegtay in qaxooti badan oo Soomaali ah ay dalkoodii ku laabteen

qaxootiXukuumadda Kenya ayaa shaacisay in 80,000 oo qoxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkeeda ay si iskood ah ugu laabteen Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaan qoxootigaas si khasab ah looga bixin Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in qoxootigan oo ku noolaa xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya ay iyagu go’aansadeen inay dib u laabtaan wadankooda.

Dawlada Kenya ayaa horay u shaacisay inay dib ugu celin doonto qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya ku nool waddankooda iyadoo arrinkaasna ay wadahadal kala yeelatay dawlada Soomaaliya iyo hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Waxaana la qorshaynayaa in shir arrinka celinta qaxootiga looga hadlayo uu ka dhaco dalka Kenya, iyadoo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ka digeen in si khasab ah loo celiyo qaxootiga Soomaalida ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: