read more »">
Calendar

Ra,iisul wasaaraha oo magacaabay Agaasimaha Hay,adda Nabad sugida

sanbaloolshe

Baratamaha Muqdisho - Ra’iisul wasaaraha dowlada Soomaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si rasmiya ugu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo horay u ahaa safiirka soomaliya ee dalka Ingiriiska.

Magacabista Sanbaloolshe ayaa waxaa ogolaaday madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay arrintani daba socoto isbadalo ay dowladu ku samaysay saraakiisha ugu saraysa dhanka amaanka.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaliya ayaa maanta kullan deg dega isugu yeeray gudiyada amniga iyo siyaasada ee golaha wasiirada Soomaliya.ra,iisul wasaraha Soomaliya

Kullanka ayaa looga hadlay xaaladihi ugu dameeyay ee magaalada Muqdisho iyo go,aanka uu qaatay Ra’iisul wasaaruhu ee uu ku magacabay wasiirka amniga iyo saraakiisha Booliska iyo Nabad sugida.

Kulanka ayaa markii uu so gaba gaboobay waxaa saxafada uga warbixiyey wasiir ku xigeenka amniga Ibraahim Isaaq Yarow, waxaana uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha dalku uu qaatay go,aamo ad adag oo wax looga qabaanayo amaanka Muqdisho.kuxigenak amniga

Waxaa uu sheegay in kullanka la iskula gartay sidii loo dar dar gelin lahaa hawlgalada ay ciidamada dawladu ka wadaan magaalada Muqdisho, waxaana uu intaasi raaciyey inay xukuumadu qaaday go,aamo cad cad oo lagula xisaabtami doono laamaha amniga.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa geesta kale sheegay in baaritano lagu samayn doono weerarkii xalay lagu soo qaaday madaxtooyada, isagoona xusay in lagula xisaabtami doono cidkasta oo ku lug yeelata sida uu hadalka udhigay.

Ra,iisul wasaraha Soomaliya ayaa is bedelo ku sameeyey laamaha amniga kadib markii uu faraha kabaxay amaanka Muqdisho, oo ay Al-shabaab u suurtowday inay werar toosa ku qaadaan madaxtooyada Soomaliya.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Muqdisho.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: