read more »">
Calendar

Ra’isul-wasaaraha Soomaaliya Iyo Xubno Kamid ah Kolihiisa wasiiraha oo maana hor-imaanayo Baarlamaanka:

Ra’sul wasaaraha Soomaaliya  Mudane Cabdi Faarax Shir-doon (SAACID) iyo Golihiisa wasiirada ayaa maanta lafilayaa in ay hortagaan Baarlamaanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo Wax-qabadka Xukumadiisa iyo Xaalaha amaan ee kajira Dalka.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo goor-dhaw ka furmi doonno Golaha Shacabka ayadoona halkaasi Ra’isul wasaaraha iyo kolihiisa Su’aalo ay ku waydiin- doonaan Islamarkaana horay uga dalbadeen in uu hor-imaado.

Kulankan oo ah Mid xiisa gooniyaa wata ayaa lasaadaalinkarin waxa kasoo bixi-doonno hase yeeshee Xildhibaan  C/llahi Cumar abshir  oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra’sul wasaaraha la weydiin doonno Wax-qabadkii 100-ka maalmood ay Xukumadiisa shaqeyneysay iyo Arimo kale.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in hor-imaatanka baarlamanka ay waajib dastuuri ah ay ku tahay Ra’isul-wasaaraha Xukumada si su’alo looga waydiiyo , waxaana saakay kulanka baarlamaanka uu yahy mid kaduwan kulamadii hore.

Amaanka ayaa ah mid si aad ah loo adkeeyay ayadoona wadada marka- al-mukarama qeebka kamid ahi la xeray halkaasi oo lagu soo daadshay ciidamo fara badan oo boolis ah   gaar ahaa wadada hormarta Golaha shacabka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa maamihii ugu danbeeyay dood kulul ka lahaa dad xabsiyada lagala soo baxay oo la toogtay islamarkaana lasoo dhigaye wadooyinka, taasoo kamid ah hor-imaatanka Ra’isul wasaaraha iyo Kolihiisa wasiirada.

Ayadoo sidaa ay jirto ayaa Tiro xildhibaano ah loo saaray dilka dadkii maxaabiista ahaa oo xabsiyada lagala soo baxay ayaa lafilayaa dhankooda in ay wabixin horkeenaa baarlamaanka, islamarkaana ay soo badhigaan natiijadii baaritaanadi ay sameeyeen.

 

By: Staff — Muqdisho–Somalia www.bartamaha.com

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: