Calendar

Shil dad qasaara badan sababay oo Maanta ka dhacay Isgoyska Banaadir Muqdisho.

dhaawacBartamaha(Muqdisho):-Shil Xun oo gaari ayaa saaka ka dhacay Wadada u dhexeysa Isgoyska Banaadir iyo Ex-Control Afgooye halkaasi oo laba gaari ay ku burbureen dad badana ku dhaawacmeen.

Shilkan gaari oo ka dhacay afaafka hore Daarta Say Biyaano ayaa waxa uu yimid markii ay si Xaawre sara ah u socdeen Laba gaari oo mid ka mid ah ay Ciidamo wateen kuwaasi oo isku dhacay.

Labada gaari ayaa waxa ay noqdeen kuwa Burburay oo dadkii ku jirayna ay ku wada dhaawacmeen taasi oo ka dhigtay Shilkii ugu xumaa ee dhawaanahan ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay waxaa dhaawacyo calculus ka soo gaaray shilkaasi 14-ruux oo Haween iyo rag leh kuwaasi oo dhammana ahaa dadkii kala saarnaa Labada gaari oo mid ka mida uu ahaa Nuuca Ronerdka halka kan kale uu ahaa Homeyda .

Dadka dhaawaca ah ayaa qaarkood waxaa ka go’ay Lugaha iyadoo saddex ruux lugaha laga jaray oo mid ka mida uu ahaa Askari saarnaa gaariga Ronerdka markii lugaha ay six un u jabeen.

Shilalka gawaarida ayaa waxa ay noqdeen kuwa si joogta ah uga dhaca Magaalada Muqdisho maadaama Darawalada ay yihiin kuwa aan xirfad wanaagsan lahayn Wadaduna ay tahay mid burbursan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: