Calendar

Dawlada Maraykanka oo ku dhawaaqday inay joojinayso lacagtii ay siin jirtay Militariga Masar

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay qeyb ka mid ah gar gaarkii ay siin jirtay Milateriga Masar, iyadoo tani ay qeyb ka tahay qalalaasaha siyaasadeed iyo rabshadihii ka dhacay dalkaas bishii Agosto, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal ruux.

Mareykanka ayaa gar gaar ahaan u siin jiray dowladda iyo Milateriga lacag dhan 1.3-bilyan oo doolar sanadkiiba.

Sidoo kale gar gaarka laga hakiyay Milateriga Masar ayaa ka dambeysay, markii Milateriga uu awood u adeegsaday taageerayaasha Madaxweynihii xukunka laga tuuray Maxamed Mursi, isla markaana boqolaal rayid ah ku dilay isku dhacyadii u dambeeyay.

Afhayeenad u hadashay waaxda Arrimaha dibada Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in tan iyo inta Milateriga xukunka uga soo celinayo rayidka iyo doorasho cadaalad ah oo ka dhacda dalka ay hakad galayaan gar gaarkii uu Mareykanka siinayay Masar.

“Waxaan joojinay dhamaan taageerada Milatari iyo mida dhaqaale ee aan siin jirnay Masar, ilaa iyo inta si dhab ah looga soo dooranayo Xukuumad Rayid oo Dimoqraadi ah”ayay tiri Jen Psaki.

Waxyaabaha hakadka galayay ayaa waxaa ka mid ah hubka uu Mareykanka siinayay Milateriga, sida Diyaarado, rasaasta qoryaha Taangiyada iyo gantaalada ridada dheer, sidoo kale lacago boqolaal malyuun la amaahin lahaa ayaa iyana meesha ka baxaya.

Milateriga Masar ayaa bishii July xukunka ka tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiga loo soo doortay ee Maxamed Mursi, iyadoo haatan uu ku xiran yahay meel aan la ogeyn, banaan baxyo ay wadaan taageerayaasha Mursi iyo weeraro ka imaanaya Islaamiyiin ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka Masar iyo xuduuda.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: