Calendar

Somalida Talyaaniga oo ka shiray dhisida Jaaliyad ay leeyihiin

somali-2

Shirkaani oo ay soo abaabuleen qaar kamid ah dhalinyarada Soomaalieed ee ku nool magaalada Roma ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay u dhisan lahayeen jaaliyed soomaaliyeed oo matasha dhamaan somalida ku nool Talyaaniga gaar ahaan Rome oo ah xarunta dalkaasi Talyaniga.

Dhalinyaradaan oo u badnaa kuwii soo galay Talyaaniga wixii ka danbeeyey sanadii  (2001) ayaa iyagu hada waxa ay xusul duub ugu jiraan sidii ay umideen lahayeen soomaalida kunool talyaaniga,iyagoona sheegay inay jirto baahiyo badan oo isbiirsaday kuna qasbay in la sameeyo jaaliyad ay somalida u dhan tahay.

Shirka  intii uu socday  waxaa halkaasi laga soo jeediyey  qudbado kala duwan oo ku aadan sidii loo abaabulilahaa dhisida jaaliyad Soomaaliyeed,waxayna sheegeen marti sharaftii halkasi ka hadashay in ay ka  go’ antahay dhisida jaaliyadaan, hasa yeeshee waxa ay qaar kood sheegeen in  laga yaabo in ay caqabadi imankarto ,Balse  waxay ku booriyeen dhamaan qeybgalayaashii shirkaasi inay muujiyeen dulqaad looga gudbo xaaladaha adeg.

Kulankan ka dhacay Rome ee looga hadlayey sameynta Jaaliyad ay Somalida Talyaniga leedahay ayaa lagu doortay  gudi dhan lix qof,waxaana gudigaasina hogaamintiisa loo dhiibay Sakadiye Maxamed Cali.

Gudi la doortay   ayaa balanqaday in ay waqtigooda u huri-doonaan sidii ay soomaalida isugu keenilahayeen,iyaddoo dhalinyarada shirkan isugu timid ay ka muuqatay dhiiranaan ay ku doonayeen inay  wax ugu qabtaan dadkooda ku nool dalkaasi.

Safiirka Somaliya iyo dhamaan howl-wadeenada Safaaradaasi ayaan ka soo qeyn gelin shirkan,iyaddoo anan la saadaalin karin waxa ay uga baaqsadeen ka qeybgalka madal looga hadlayo dhismaha jaaliyad matashada somaliya Talyaaniga,taasi oo haddii la dhisto garab siin karta Safaarada iyo howlaheeda  ku aadan somalida.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shir noocan oo kale ah lagu qabto magaallada Rome,waxaana horey u jiray shirar ay somalida isugu yimaadeen ugana hadleen inay dhistaan jaaliyad matasha,balse waxay kusoo dhamaadeen kulikood qilaaf iyo fashil laga dhaxlay in aan la helin jaaliyad lagu mideysan yahay oo Somaliyeed.


hashem mostaf

[email protected]
Rome,Italia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: