read more »">
Calendar

Wada haddaladda Soomaaliya iyo Somaliland waa tilaabo dhiira-galin mudan: HIPS

Wada-hadalladii dhawaan dhex maray dowladda federalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waa tilaabi horey loogu qaaday dib-uheshiisin siyasadeed ayaa lagu yiri warbixin cusub oo ay soo saartey hay’ada cilmi-baariska Heritage ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Warbixinta waxa ay tabanaysay muhiimadda ay leehdahay wada hadaladda labada dhinac uga furmey dalka Turkey-ga oo qodobo hor dhac loogu heshiiyay iyadoona ka tala bixinaysa waxyaabo muhiim ah in wada hadaladda kale lagu soo kordhigo.

Agaasimaha Hay;adaha cilmi-Baarista ee Heritage Cabdiraxmaan Ceynte oo wareysi siiyay BBC-da ayaa xusay, wallow laga gaarey wada hadaladda hormaro adane ay muhiim tahay iney arimaha muhiim-ka ay tahay in si dhab ah looga wada hadlo.

“Waxa aan ka hadalnay in wada hadaladda hada ka bilaawday Turkey-ga ay yihiin kuwo horey loo qaaday oo labada dhinacba ay ku amaanan yihiin balse markaan loo baahan yahay iney ka gudbaan oo kaliya heer wada hadal oo arimaha xasaasiga loo gudbo” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Ceynte.

Warbixinta Heritage waxa ay xusaysaa in ictiraafka “Cabashooyinka Somaliland ee salka ku haya xadgudibyo iyo tacaddiyo horey loogu geystey” ay kaalin mug leh ka qaadan karto hormar laga gaaro wada hadaladda ayna tahay in dowladda federalka ay ka garbaxaan cabashooyinkaas.

Waxa kale oo warbiixnta ay kula talinaysaa dowladda federalka iney wada hadaladda ay ku darto qeybaha bulshada ee culeyska u yeeli kara si lamid ah maamulka Somaliland oo wada hadaladda ay ku jiraan axsaabta mucaaradka.

Ugu danbeyntii warbixinta waxa ay bulshada caalamka ay kula talinaysaa iney joojiyaan is bar-bar yaaca ay ka dhex wadaan wada hadaladda labadda dhinac oo wada hadaladda loo daayo iney kasii socdaan Turkey-ga ayna tilaaboyin ka qaadaan dadka carqaladda ka wada.

Madaxda dowladda federalka iyo maamulka Somaliland ayaa u muuqda iney isku dhawaasho ay ka muuqato iney ka gaareen wada hadaladdi ugu danbeyay ee ka dhacay magalada Ankara ee wadanka Turkey-ga taas oo markii ugu horeysay ay kasoo baxday yadda diilo ku aadan in labadda dhinac ay isku soo noqon karaan oo wada hadaladda rajo galisay.

Warbixinta oo dhameystiran – SOOMAALI ama ENGLISH

Maxamed Cabdi Nuur Mascud
[email protected] 
Twitter.com/Mohamedmascud 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: