Calendar

Dowladda Soomaaliya oo laga taagerayo ka hortaga kufsiga haweenka [SAWIRO]

Dowladaha Britain iyo Imaaraadka Carabta ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay iney lacag looga hortago dhibaateynta haweeynka ay siin doonan Soomaaliya.

Lacagta wada jirka ee labada dowladood ay bixinayaan waxa ay dhan tahay £2 milyan oo lacagta Pound ah, taas oo ku dhaw $3 milyan-ka oo lacagta dollar-ka ah waxana Si gaar ah, lacagtaan wax loo adeegsan doona sidii looga hortagi lahaa dhibaatada kufsiga ee goobaha colaadda Soomaaliya ay ka jirto.

Si wada jir ah arinkaan waxa magalada London uga dhawaaqay xog-hayaha arimaha dibadda Ingiriiska William Hague iyo wasiirka arimaha dibadda Imaaraadka Sheikh Abdullah in Zayed Al Nahyan.

War ay soo saartey xafiiska arimaha dibadda Britain waxa ay ku sheegen in dowlada federalka Soomaaliya ay balan qaaday iney wax ka qaban doonto kufsiga haweeyn-ka loogeysto, waxana ay sheegen in lacagtaan lagu caawin doono dowladda.
“Hablaha iyo gabdhaha Soomaaliyeed waxa ay la dhibtoonayaan dhibta gufsi ee ka dhalatey colaadaha. Anigoo ku qanacsan xiriirka UK kala dhaxeeyo Imaaraadka, waxa aan taagereynaa dowladda federalka Soomaaliya, daalkeeda ku aadan sidii arinkaan loola fal gali lahaa, loona hormarin lahaa nolosha haweenka iyo gabdhaha” Ayuu yiri William Hague.

“Imaaraadka, waxa uu ku qanacsan yahay hogaanka culus ee UK ay ku doonayso in dowladaha ay iskugu keento sidii looga hortagi lahaa kufsiga haweeynka ee xaaladaha colaada oo aan la aqbali karin, waxana aan gacan ka geysanaynaa sidii dowladda Soomaalida looga taageri lahaa ilaalinta iyo awood galinta haweenka” Sheikh Abdullah ayaa yiri.

Arinkaan ayaa la aamisan yahay iney wax badan ka qaban karto dadaalka ay dowladda Soomaalida ku doonayso iney uga hortagto dhibaatada haweeynka lagu hayo, gaar ahaan kuwa ku barakacay gudaha.

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: