Calendar

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Cadeeyay inay Jiraan Dugsiyo Weli Ku Jira Gacanta Shakhsiyaad Gaar ah

Ciise Axmed Guraase

Wasiirka Waxbarashada Dawlada Federaalka Soomaaliya Ciise Axmed Guraase ayaa shaaca ka qaaday in wasaarada ay caqabado ka heystaan dugsiyo ka mid ah kuwii dawlada oo weli ku jira gacanta shakhsiyaad gaar ah kuwaasoo aan loogu adeegin dadweynaha.

Muqdisho (BARTAMAHA) Wasiirka oo maanta ka qeybgalay barnaamij lagu qabtay telefishanka dawlada xaruntisa Muqdisho ayaa tilmaamay in iskuulo ay ka mid yihiin Dugsigii Sare Jeneraal Daa’uud, Dugsigii Hawlwadaag iyo qaar kale oo ku yaalla caasimada dalka ay ku jiraan gacanta shakhsiyaad gaar ah oo qarkood ka dhigtay dugsiyada xaafado la degan yahay.

“Waxan wadnaa dadaal hase yeeshee waxa weli caqabado naga heystaan sidii xarumihii dawlada ee waxbarashada gacanta loogu soo celin lahaa.” ayuu yiri wasiirka oo si gaar ah u soo hadalqaaday labada dugsi ee dadku degan yihiin.

Wasiirka Waxbarashada wuxuu sheegay in barnaamijka “Aada Dugsiyada” lagu shaqaaleysiiyey dhowr kun oo macalimiin ah kuwaasoo mushaharkooda u hela si joogto ah, kana hawlgala iskuulada gacanta lagu soo celiyay ee ay maamusho wasaarada waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka ayaaa ka hadlay deeqo waxbarasho oo dawladu ka heshay dawlado shisheeye sida Suudaan, Yemen iyo Turkiga kuwaasoo sida wasiirku sheegay ay u qeybiyeen ardayda Soomaaliyeed oo  galay tartan imtixaano ah kuwii ku guuleystayna ay heleen deeqo waxbarasho.

Wasaarada Waxbarashada ayaa dhowaan shaacisay in dhamaan imtixaanada dugsiyada sare ee dalka ay qaadeyso iyaduna ka asuul tahay, taasoo markii dambe socon weysay kadib markii horjoogayaasha dalladaha waxbarashada ee gaarka loo leeyahay ay ka biya diideen arrintaasoo taasoo keentay in imtixaanada dugsiyada sare ay hakad galaan in mudo ah sanadkan.

BARTAMAHA ONLINE

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: