Calendar

“Waxa aan isku diyaarinaye galbiska Arooskeeyga balse waxa aan maqlay wax aanan ku farxin” (Qiso Xiisa badan)

Gabar  Da’yar oo lagu magacaabo  Sahra ismaaciil oo  kamid ah Dumarka Soomaaliyeed ee kunool Maagalda Adis-Ababa ee dalka Ethipia waxa ay  guur ku wada hishiiyen wiil lagu magacaabo Faysal c/llahi  iyagoo durbaba qaban qaabiye xafladii maherkooda.

Waxaa dhacay meherkoodi  balse horay kama ay aqal galinee waxa ay ku balameen in ay aqal galkooda ka dhigtaan Todabaad kadib.

Sahra ismaaciil oo la hadleysay warbaahinta Warculus.com xafiiska uu ku leeyahay Magaalada Adis-Ababa ayaa u sheegtay in ninkeeda uu furay xili ay ku guda jirtay isu diyaarinta Galbiska Arooskeda waxaana qeyb kamid ah Gurigeeda ka socday alalaaska iyo mashxarada Arooskeda.

“waxa ay ay aheed xili duhur ah oo dareeynkeyga waxa uu ahaa maalintaas mid aad ukacsan wan farxsana ka hor inta aan maqlin dalaaqada waxaa markaa jirkeyga oo idil ku yiilay calaamadihii Arooska Calashaan cilaankii Arooska ayaan marsanaa dadka oo idil waxa ay sugayeen in ay ay ii galbiyaan gurigii la’ii diyaariye balse taa mey dhicin’ hadaba goor ay saacadu tahay  2 dii duhurnimo oo ay wehliyaan Daqiiqado ayaa waxaa soo dhacay Taleefan waxaa ka qabatay saaxibtay kadib aye aniga ii dhiibtay  waxa uu ahaa wiilkii aan ka sugaye guurka waxa uu igu yiri sada tan: Abaayo majecleen in tan oo kale ay dhacdo balse nasiibka ayaa sidaan noqday waxaan arintaan dhan aan usameeynayaa mustaqbalkeega dambe mana doonayo in aan adidaga ku dhibo waayo waxa ay aheey in aan mar hore ka taxadaro guurkaaga sidagana uga fiirsado balse iska ilaaw wixii na soo maray maantana waxa aan go’aansaday in aan joojiyo arooskaaga marka iska key cafi xiligaan laga bilaabo waxa aad tahay qof xur ah Aniga xageeyga waad ka furantahay’ Markii aan intaa maqalay cabaar baan aamusay dadkii goobta ku suganaa dhamaan xageeyga ayeey soo eegen  waxa ayna I weydiiyen waxa badalay farxadeeydii lkn waan ujawaabi kari waayo waxaa iga soo haray idho iyo aamusnaan wlhi maalintaasi waxa ay ii aheeyd maalintii iigu muragada badneed waxa halkaasi ku soo afjarmay  rajadii aan ka qabay in aan noqdo hooyo guri leh dhanka kale’ wiilka aan doonaye in uu iguursado waxa uu halkaan ujoogay in Leen dibada ah waxaan  qaadeysay gabar ay Habaryartii dhashay  oo markii hore udooneed taaso maqashay in uu guursanayo waxa ayna ku amartay in gabi ahaanba joojiyo Arooska  iyadoo ku dacweysay waalidkeed iyo iyo isaga waalidkiis Faysal kama uu fikir nolasheeysda waxa uu fiirsady oo kliya in uu yurub ubaxo isla markaana qalbigeeyga dhaawaco waxa uuna maalin kaliya ku baabi’iye rajadii aan ku taamayo mudada dheer”

Sahra ayaa sheegtay in aysan guur dambo ku deg degeeyn oo ay ka fiirsan doonta shaqsiga ay guursaneyso waayo waxa ay sheegtay in kalsooni daro ay kala kulantay guurkeedii ugu horeeye ay ku taameeysay waligeed.

Ugu dambeentii gabadhan Sahra aha ayaa Aqrista yaasha Websaidka warculus ka codsatay in ay la soo taliyaan waxa ay ka yeeleyso nolasheeda” ugu dambeentii walalheeyga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxan ka codsanayaa in ay ii soo duceeyaan hadii ay ii hayaan talo kheeyr iigu sugan ha ii soo sheen  waan qaadanayaa hadii ay mid wanaagsan tahay wana ku dhaqaaqayaa”

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Madadaalo | Entertainment.
« »

Comment: